Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - BAROORASHADII YEREMYAAH

BAROORASHADII YEREMYAAH 5

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay.
2Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo.
3Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen
4Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey.
5Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin.
6Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno.
7Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay.
8Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro,
9Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed.
10Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis.
11Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday.
12Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin.
13Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen.
14Odayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen.
15Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay.
16Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay!
17Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen.
18Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda.

19Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa.
20Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa?
21Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig.
22Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay.