1War miyaad taqaan markay ri'dibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan?
2Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan?
3Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan.
4Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon.
5Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay?
6Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada.
7Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo.
8Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah.
9Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa?
10Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin?
11Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa?
12Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno, Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo?
13Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin?
14Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa, Oo ciidday ku diirisaa,
15Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo.
16Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla'aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto,
17Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday, Oo waxgarashona ma uu siin.
18Oo markay kor isu qaaddo inay carartona, Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba.
19War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey?
20War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay.
21Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita.
22Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo.
23Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto.
24Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho, Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago.
25Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu "Haw" yidhaahdaa, Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa, Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka.
26Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa?
27Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa?
28Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda.
29Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa, Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan.
30Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan, Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal.