Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - AYUUB

AYUUB 28

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo.
2Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa.
3Dadku gudcurkuu dhammeeyaa, Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada.
4Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan.
5Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale.
6Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah.
7Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag,
8Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin.
9Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa.
10Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa.
11Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka.
12Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
13Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo.
14Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto.
15Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo.
16Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo.
17Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah.
18Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul.

19Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono.
20Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee?
21Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday.
22Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay.
23Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan.
24Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan,
25Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso.
26Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey,
27Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay.
28Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho.