Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII

MAAHMAAHYADII 10

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Maahmaahyadii Sulaymaan. Wiilka caqliga lahu aabbihiisuu ka farxiyaa, Laakiinse wiilka nacaska ahu waa u caloolxumo hooyadiis.
2Qasnadaha sharnimadu faa'iido ma leh, Laakiinse xaqnimada ayaa dhimasho kaa samatabbixisa.
3Kii xaq ah naftiisu inay gaajooto Rabbigu u oggolaan maayo, Laakiinse doonista kuwa sharka leh ayuu ridaa.
4Kii gacan caajis ah lahu wuu caydhoobaa, Laakiinse kuwa dadaala gacantoodu hodan bay ka dhigtaa.
5Kii guga wax soo urursadaa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii wakhtiga beergooyska seexdaa waa wiil ceeb sameeya.
6Barako waxay saaran tahay kan xaqa ah madaxiisa, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
7Kan xaqa ah xusuustiisu barako bay leedahay, Laakiinse kuwa sharka leh magacoodu waa qudhmi doonaa.
8Kii qalbiga caqli ku lahu amarro buu aqbalaa, Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
9Kii qummanaan ku socdaa ammaan buu ku socdaa; Laakiinse kii jidadkiisa qalqalloociya waa la ogaan doonaa.
10Kii indhaha ku baaqaa murug buu keenaa. Laakiinse kan bushimaha ka nacaska ahu afgembi buu u dhacaa.
11Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
12Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
13Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.
14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
16Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.
17Kii edbinta xajistaa wuxuu ku socdaa jidka nolosha, Laakiinse kii canaanta diidaa wuu qaldamaa.
18Kii necbaanta qariyaa wuxuu leeyahay bushimo been badan, Oo kii xanta ku hadlaana waa nacas.

19Hadal badan dembi lagama waayo, Laakiinse kii bushimihiisa ceshaa caqli buu leeyahay.
20Kii xaq ah carrabkiisu waa sida lacag la doortay, Laakiinse kuwa sharka leh qalbigoodu waa qiimo yar yahay.
21Kii xaq ah bushimahiisu waxay masruufaan kuwa badan, Laakiinse nacasyadu waxgarashola'aantooda ayay u dhintaan.
22Rabbiga barakadiisu hodan bay kaa dhigtaa, Oo isna caloolxumo kuma daro.
23Nacasku inuu xumaan sameeyo waa u sidii cayaareed, Laakiinse ninka garaadka lahu xigmad buu leeyahay.
24Kii shar leh wuxuu ka cabsado ayaa ku soo dul degi doona, Laakiinse kuwa xaqa ah waxay doonayaan waa la siin doonaa.
25Markii dabaysha cirwareenta ahu dhaafto, ka sharka leh mar dambe la arki maayo, Laakiinse kii xaq ahu waa aasaas weligiis waaraya.
26Khalku siduu ilkaha u yahay, iyo sida qiiqu indhaha u yahay, Ayaa kan caajiska ahu u yahay kuwa isaga dirta.
27Rabbiga ka cabsashadiisu cimrigay dheeraysaa, Laakiinse kuwa sharka leh cimrigoodu waa soo gaaban doonaa.
28Kuwa xaqa ah rajadoodu waa farxad, Laakiinse kuwa sharka leh filashadoodu way baabbi'i doontaa.
29Rabbiga jidkiisu waa u qalcad kuwa qumman; Laakiinse xumaanfalayaasha waa u baabba'.
30Kan xaqa ah weligiis la dhaqaajin maayo, Laakiinse kuwa sharka lahu dhulka ma fadhiyi doonaan.
31Kan xaqa ah afkiisa waxaa ka soo baxda xigmad, Laakiinse carrabkii qalloocan waa la gooyn doonaa.
32Kan xaqa ah bushimahiisu waxay yaqaaniin waxa la aqbali karo, Laakiinse kan sharka leh afkiisu qallooc buu ku hadlaa.