Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SAMUU'EEL LABAAD

SAMUU'EEL LABAAD 17

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Oo weliba Axiitofel wuxuu Absaaloom ku yidhi, I daa aan laba iyo toban kun oo nin doortee oo aan caawa Daa'uud eryadee,
2oo waxaan u imanayaa intuu daallan yahay oo gacmihiisu taag daranyihiin, markaasaan cabsiinayaa, oo dadka isaga la jira oo dhammuna way carari doonaan. Markaasaan dili doonaa boqorka oo keliya.
3Oo dadka oo dhanna waan kuu soo celin doonaa, oo ninka aad doonaysaa waa sidii iyadoo ay dhammaan soo wada noqdeen; markaasay dadka oo dhammu nabad ku noolaan doonaan.
4Oo hadalkaasuna aad buu uga farxiyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil oo dhan.
5Markaasaa Absaaloom wuxuu yidhi, Bal haddana iigu yeedh Xuushay kii reer Arkii, oo bal aan maqalno wuxuu isagu leeyahay.
6Markaasaa Xuushay u yimid Absaaloom, oo Absaaloomna intuu la hadlay ayuu ku yidhi, Axiitofel sidan buu ku hadlay. Haddaba siduu nagu yidhi ma yeelnaa? Haddii kale, adigu hadal.
7Kolkaasaa Xuushay wuxuu Absaaloom ku yidhi, Axiitofel talada uu markan ku taliyey ma fiicna.
8Oo weliba Xuushay wuxuu yidhi oo kale, Waad taqaannaa aabbahaa iyo raggiisaba inay rag xoog leh yihiin, iyo in maankoodu u kulul yahay sidii orso ilmaheedii duurka laga xaday, oo aabbahaana waa nin dagaalyahan ah, oo dadkana meel la baryi maayo.
9Oo bal eeg, hadda wuxuu ku dhuumanayaa bohol, ama meel kale; oo markii qaarkood la dilo marka hore, ku alla kii maqla ayaa odhan doona, Ciidammadii Absaaloom raacay waa la laayay.
10Oo xataa kan xoog badan, ee qalbigiisu yahay sida qalbiga libaaxa, wuu dhalaali doonaa dhammaantiis; waayo, reer binu Israa'iil oo dhammu way og yihiin in aabbahaa yahay nin xoog badan, iyo in kuwa isaga la jira ay yihiin rag daran.
11Laakiinse anigu waxaan ku talinayaa in reer binu Israa'iil oo dhammu adiga kuu soo shiraan oo ay ka yimaadaan tan iyo Daan iyo ilaa Bi'ir Shebac, oo ay u soo bataan sida cammuudda badda agteeda taal; oo aad adiga qudhaadu dagaalka gashid.
12Sidaasaynu isaga ugu iman doonnaa meesha laga helo, oo waxaynu ugu soo degi doonnaa sida dharabku dhulka ugu soo dego oo kale; oo isaga iyo dadka la socda oo dhanba xataa mid qudha ka reebi mayno.
13Oo weliba hadduu magaalo galo, markaasay reer binu Israa'iil oo dhammu xadhko soo qaadan doonaan, oo waxaynu magaalada u jiidaynaa xagga webiga oo waan ku ridaynaa, ilaa halkaas laga waayo xataa dhagax yar.
14Markaasaa Absaaloom iyo raggii reer binu Israa'iil oo dhammu waxay yidhaahdeen, Xuushay kii reer Arkii taladiisu way ka wanaagsan tahay taladii Axiitofel. Waayo, Rabbigu wuxuu ka dhigay in laga adkaado taladii wanaagsanayd oo Axiitofel, si Rabbigu Absaaloom shar ugu soo dejiyo.
15Markaasaa Xuushay wuxuu ku yidhi wadaaddadii ahaa Saadooq iyo Aabyaataar, Axiitofel saas iyo saas buu ula taliyey Absaaloom iyo odayaashii reer binu Israa'iil, oo anna saas iyo saas baan ula taliyey.
16Sidaas daraaddeed haddiiba u cid dira, oo Daa'uud u war geeya, oo waxaad ku tidhaahdaan, Caawa ha ku baryin meelaha loogu gudbo cidlada, laakiinse si alla si aad yeeshaba ka gudub; yaan adiga iyo dadka kula socda oo dhanba la wada liqine, boqorow.
17Haddaba Yoonaataan iyo Axiimacas ma ay karin inay magaalada bayaan u soo galaan, sidaas daraaddeed waxay joogeen Ceyn Rogeel, oo gabadh addoon ah ayaa intay u tagtay wax u sheegtay; oo iyana intay tageen ayay boqor Daa'uud u soo warrameen.
18Laakiinse wiil baa arkay iyagii, oo wuxuu u soo sheegay Absaaloom, oo iyana labadoodiiba haddiiba way carareen, oo waxay yimaadeen nin Baxuuriim deggan gurigiis oo barxadda ceel ku leh; oo iyana halkaasay ku dhaadhaceen.

19Oo naagtiina ceelka afkiisii bay wax ku gogoshay, oo waxay ku dul firdhisay hadhuudh la tumay; oo waxbana lagama ogaan.
20Oo addoommadii Absaaloom naagtii bay gurigii ugu yimaadeen; oo waxay ku yidhaahdeen, Awaye Axiimacas iyo Yoonaataan? Markaasaa naagtii waxay ku tidhi, War waxay ka gudbeen togga biyaha. Oo iyana markay doondooneen oo ay heli waayeen ayay ku noqdeen Yeruusaalem.
21Oo markay tageen dabadeed ayay ceelkii ka soo baxeen, oo ay tageen, oo ay Boqor Daa'uud u soo warrameen; oo waxay Daa'uud ku yidhaahdeen, War ka kaca, oo haddiiba biyaha gudba, waayo, Axiitofel sidaasuu talo kaa gees ah ugu taliyey.
22Markaasaa Daa'uud iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu kaceen, oo waxay ka gudbeen Webi Urdun; oo markii waagii baryay ma jirin mid iyagii ah oo aan Webi Urdun ka gudbin.
23Oo Axiitofelna markuu arkay inaan taladiisii la raacin ayuu dameerkii kooraystay, oo magaaladiisuu tegey, oo intuu reerkiisii la dardaarmay, ayuu isdeldelay; wuuna dhintay, oo waxaa lagu aasay qabrigii aabbihiis.
24Oo Daa'uudna wuxuu yimid Maxanayim. Absaaloomna wuxuu ka soo gudbay Webi Urdun, isagoo wata raggii reer binu Israa'iil oo dhan.
25Oo Absaaloomna wuxuu ciidankii madax uga dhigay Camaasaa, oo Yoo'aab wuu ka beddelay. Haddaba Camaasaa waxaa dhalay nin reer binu Israa'iil ah oo magiciisa la odhan jiray Yitraa, oo wuxuu qabay Abiigayil oo ay Naaxaash dhashay, oo waxay la dhalatay Seruuyaah oo ahayd Yoo'aab hooyadiis.
26Markaasaa Absaaloom iyo reer binu Israa'iil waxay soo degeen dalkii Gilecaad.
27Markii Daa'uud yimid Maxanayim waxaa u yimid Shobii oo ahaa ina Naaxaash ee ahaa reer Cammoonkii degganaa Rabbaah, iyo Maakiir oo ahaa ina Cammii'eel ee ahaa reer Loo Debaar, iyo Barsillay oo ahaa reer Gilecaadkii degganaa Rogeliim,
28oo waxay u keeneen gogol, iyo fijaanno, iyo weelal dhoobo ah, iyo sarreen, iyo shaciir, iyo bur, iyo salool, iyo atar, iyo misir, iyo digir,
29iyo malab, iyo subag, iyo ido, iyo faar lo'aad, oo waxay waxaas oo dhan u keeneen Daa'uud iyo dadkii la socday inay cunaan, waayo, waxay isyidhaahdeen, Dadku cidladay ku gaajoodeen, oo ku daaleen, oo ku harraadeen.