Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SAMUU'EEL LABAAD

SAMUU'EEL LABAAD 16

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Oo Daa'uud markuu in yar dhaafay jiirta dusheedii waxaa u yimid Siibaa oo ahaa midiidinkii Mefiiboshed, isagoo wada laba dameer oo kooraysan, oo dushoodana waxaa u saarnaa laba boqol oo xabbadood oo kibis ah, iyo boqol rucubood oo sabiib ah, iyo boqol rucubood oo midho xagaa ah, iyo sibraar khamri ah.
2Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, War waxyaalahan maxaad ula jeeddaa? Oo Siibaana wuxuu yidhi, Dameeraha waxaan u keenay in boqorka reerkiisu fuulaan; kibista iyo midhahana waxaan u keenay in ragga dhallinyarada ahu cunaan; khamrigana waxaan u keenay in ku alla kii cidlada ku itaal darnaadaa uu cabbo.
3Markaasaa boqorkii ku yidhi, Meeh wiilkii sayidkaagu? Siibaana boqorkii buu ku yidhi, Yeruusaalem buu ku hadhay, oo wuxuu yidhi, Reer binu Israa'iil maantay ii soo celin doonaan boqortooyadii aabbahay.
4Markaasaa boqorkii wuxuu Siibaa ku yidhi, Bal eeg, Mefiiboshed wixiisa oo dhan adigaa iska leh. Oo Siibaana wuxuu yidhi, Boqorow, sayidkaygiiyow, waan ku sujuudayaa hortaada; aan raallinimo kaa helo.
5Oo Boqor Daa'uudna markuu Baxuuriim yimid, waxaa ku soo baxay nin ay Saa'uul isku cid ahaayeen, oo magiciisa la odhan jiray Shimcii ina Geeraa. Wuu soo baxay, isagoo habaartamaya intuu soo socday.
6Oo dhagxan buuna ku tuuray Daa'uud iyo addoommadii Boqor Daa'uud oo dhanba, oo dadkii oo dhan iyo raggii xoogga lahaa oo dhammuna waxay joogeen midigtiisa iyo bidixdiisaba.
7Oo Shimcii markuu habaartamayay wuxuu lahaa, Naga tag, nin yahow dhiigga qabaa, oo naga tag, nin yahow waxmataraha ihi!
8Rabbigu waa ku kor saaray reer Saa'uul dhiiggoodii oo dhan, Saa'uulkaasoo aad meeshiisii xukumayso; oo Rabbigu boqortooyadii gacantuu u geliyey wiilkaaga Absaaloom; oo bal eeg, adiga belaayadaadii baa kula tagtaye, maxaa yeelay, waxaad tahay nin dhiig qaba.
9Markaasaa Abiishay oo ay Seruuyaah dhashay wuxuu boqorkii ku yidhi, War eeygan dhintay muxuu kuu habaarayaa, boqorow, sayidkaygiiyow? Waan ku baryayaaye, i daa intaan u tago aan madaxa ka gooyee.
10Kolkaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Kuwiinna ay Seruuyaah dhashayow, bal maxaa inoo dhexeeya? Hadduu habaartamay, oo Rabbigu ku yidhi, Daa'uud soo habaar, bal yaa ninkan ku odhan kara, War maxaad saas u yeeshay?
11Daa'uudna wuxuu ku yidhi Abiishay, iyo addoommadiisii oo dhanba, Bal eega, wiilkaygii iga soo baxay ayaa doonaya inuu nafta iga qaado; haddaba intee in ka badan ayaa ninkan reer Benyaamiin igu samaynayaa? Haddaba ninkan iska daaya, ha iska habaartamee; waayo, Rabbigaa saas ku amray.
12Mindhaa Rabbigu intuu dhibaatadayda eego ayuu wanaag iigu beddeli doonaa habaarkuu maanta igu habaaray.
13Sidaas daraaddeed Daa'uud iyo raggiisiiba jidkii bay mareen, Shimciina wuxuu maray buurtii agtiisa ahayd dhinaceeda, oo intuu sii socdayna Daa'uud buu habaarayay, oo dhagxan ku tuurayay, ciidna wuu ku soo saydhayay.
14Oo boqorkii iyo dadkii isaga la jiray oo dhammu waxay yimaadeen iyagoo daalay; halkaasuuna ku nastay.
15Markaasaa Absaaloom iyo dadkii reer binu Israa'iil oo dhammu Yeruusaalem yimaadeen, iyagoo uu Axiitofel la socdo.
16Oo kolkii Xuushay kii reer Arkii oo Daa'uud saaxiibkiis ahaa uu Absaaloom u yimid ayaa Xuushay Absaaloom ku yidhi, Boqorku ha noolaado, boqorku ha noolaado.
17Markaasaa Absaaloom wuxuu Xuushay ku yidhi, Ma sidatanaad ugu roonaanaysaa saaxiibka? Maxaadse saaxiibkaa u raaci weyday?
18Xuushayna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Saas ma aha; laakiinse kii Rabbiga, iyo dadkan, iyo reer binu Israa'iil oo dhammu doorteen ayaa i lahaanaya, oo isagaan la joogayaa.

19Oo haddana, bal yaan u adeegaa? Sow wiilkiisa ma aha? Sidaan aabbahaa ugu adeegi jiray oo kale ayaan haatanna adiga kuugu adeegayaa.
20Markaasaa Absaaloom wuxuu Axiitofel ku yidhi, Bal ka tali waxaan samayn lahayn.
21Oo Axiitofelna wuxuu Absaaloom ku yidhi, Waxaad u tagtaa naagaha addoommaha ah ee aabbahaa, ee uu uga tegey inay guriga dhawraan; oo reer binu Israa'iil oo dhammuna waxay maqli doonaan in aabbahaa ku karahsaday; dabadeedna inta kula jirta oo dhan gacmahoodu way xoogaysan doonaan.
22Sidaas daraaddeed Absaaloom teendhay uga dhiseen guriga dushiisa, oo Absaaloomna wuxuu u tegey naagihii addoommaha ahaa ee aabbihiis, iyadoo ay reer binu Israa'iil oo dhammu u jeedeen.
23Oo waayahaasna taladii Axiitofel ku talin jiray waxay ahayd sidii Ilaah hadalkiisa markii Ilaah wax la weyddiisto oo kale; oo Axiitofel taladiisuna saasay la ahayd Daa'uud iyo Absaaloomba.