Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - YEXESQEEL

YEXESQEEL 1

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Haddaba sannaddii soddonaad, bisheedii afraad, maalinteedii shanaad, anigoo maxaabiistii Webi Kebaar ag joogtay ku dhex jira ayaa samooyinkii furmeen, oo waxaan arkay wax layga tusay xagga Ilaah.
2Boqor Yehooyaakiin maxaabiis ahaantiisii sannaddeedii shanaad bisha maalinteedii shanaad
3ayaa eraygii Rabbigu dalkii reer Kaldayiin ugu yimid wadaadkii Yexesqeel ina Buusii, isagoo Webi Kebaar ag jooga, oo halkaasay gacantii Rabbigu isagii ku kor saarnayd.
4Oo intaan wax fiirinayay waxaa ii muuqday dabayl duufaan ah oo xagga woqooyi ka timid, iyo daruur weyn, iyo dab iyada ku dhex jira, iyo iftiin hareereheeda ka widhwidhaya, oo dhexdeedana waxaa ku jiray wax la moodo sidii dhuxul cadaatay oo dab ka dhex dhalaalaysa.
5Oo waxaa dhexdeedii ka soo baxay wax u eg afar xayawaan. Oo muuqashadooduna sidanay ahayd: waxay lahaayeen nin ekaantiis.
6Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar weji, oo midkood kastaaba wuxuu lahaa afar baal.
7Oo cagahooduna waxay ahaayeen cago toosan, oo baabacada cagahooduna waxay u ekayd weyl baabaceeda, oo waxay u dhalaalayeen sidii naxaas la safeeyey.
8Oo baalashooda hoostoodana waxay ku lahaayeen nin gacmihiis oo kale oo afarta dhinacba uga yaal, oo afartooduba saasay u lahaayeen wejiyadooda iyo baalashoodaba.
9Oo baalashooduna midba midka kaluu ku dhegganaa, oo markay socdeenna ma ay leexleexan ee midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay.
10Oo xagga ekaanta wejiyadooduna waxay wada lahaayeen nin wejigiis, oo afartooduba dhanka midig waxay ku lahaayeen weji libaax, oo afartooduba waxay dhanka bidix ku lahaayeen weji dibi; oo weliba afartoodu waxay lahaayeen weji gorgor.
11Wejiyadoodu saasay ahaayeen, oo baalashooduna kor bay u kala fidsanaayeen, oo midkood kastaaba laba baal ayuu midka kan kale kula dhegganaa, oo labana waxay ku daboolnaayeen jidhkooda.
12Oo midkood kastaaba hortiisuu qummaati ugu dhaqaaqay, oo waxay tageen meel alla meeshuu ruuxu tegayoba, oo markay socdeenna ma ay leexleexan.
13Oo xagga ekaanta xayawaanka waxay u ekaayeen dab qaxmaya dhuxulihiis iyo qoryo ololaya. Oo xayawaanka dhexdooduu hor iyo dib iska daba noqnoqonayay, oo dabkuna wuu dhalaal dheeraa, oo waxaa dabka ka soo baxayay hillaac.
14Oo xayawaankuna sidii hillaaca biriqdiisa oo kale ayay u ordeen oo u soo noqdeen.
15Haddaba intii aan xayawaanka fiirinayay waxaan arkay giraangir dhulka korkiisa iyo xayawaanka dhinacooda taal, oo mid kastaaba wuxuu u yiil afarta weji.
16Oo giraangiraha waxay u ekaayeen midabka berullos oo kale, oo afartoodiiba way isu ekaayeen, oo muuqashadoodii iyo farsamadii loo sameeyeyna waxaa la mooday sidii giraangir giraangir kale ku dhex jirta.
17Oo markay tageenna waxay ku socdeen afartooda dhinac, oo mana ay leexleexan markay socdeen.
18Oo wareegyadooduna aad bay u dheeraayeen, waxayna ahaayeen wax aad iyo aad looga cabsado, oo afartoodaba wareegyadooda waxaa ka buuxay indho miidhan.

19Oo markay xayawaanku socdeenba giraangiruhuna way dhinac socdeen, oo xayawaankii markii dhulka kor looga qaadayba giraangirihiina kor baa loo qaaday.
20Oo meel alla meeshii ruuxu tegeyba iyaguna way tageen, oo giraangirihiina iyagay la sara keceen, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
21Markii kuwaasu tageen, kuwanuna way tageen, oo markii kuwaasu istaageenna, kuwanuna way istaageen, oo markii kuwaas dhulka kor looga qaadayna giraangirihiina dhinacoodaa kor loola qaaday, waayo, ruuxii xayawaanku wuxuu ku jiray giraangirihii.
22Xayawaanka madaxoodana waxaa ka korreeyey cir ekaantiisa la moodo baraf aad looga cabsado oo ku dul fidsan.
23Oo cirka hoostiisa ayaa baalashoodu ku toosnaayeen, oo midba kan kale xaggiisuu u sii jeeday. Oo midkood kastaaba wuxuu lahaa laba baal oo dhinacan uga daboolan iyo laba baal oo jidhkiisa dhinacaas ugu daboolan.
24Oo markay socdeenba waxaan maqlay sanqadhii baalashooda oo la moodo sida biyo badan guuxood, iyo sida Ilaaha Qaadirka ah codkiisii, iyo buuq sanqadhiis la moodo sidii ciidan hugunkiis oo kale. Oo markay istaageenna baalashoodii bay dejiyeen.
25Oo cod baa ka yeedhay cirkii madaxooda ka korreeyey, oo markay istaageen baalashooda bay dejiyeen.
26Oo cirkii madaxooda ka korreeyey dushiisana waxaa ka muuqday wax carshi u eg oo ekaantiisa la moodo sidii dhagax safayr ah, oo waxaa wixii carshiga la moodo dushiisa ka muuqday wax nin u eg.
27Oo qaarkiisa hore wuxuu iila ekaa dhuxul cadaatay oo uu dab ku jiro oo hareerihiisa ku wareegsan, oo qaarkiisa dambena wuxuu iila ekaa sidii dab oo kale, oo hareerihiisana waxaa ku wareegsanaa iftiin dhalaalaya.
28Oo ekaantii iftiinku ku wareegsanaana waxay u ekayd qaansoroobaad maalin roobeed daruurta ku taal. Taasu waxay ahayd ekaantii ammaanta Rabbiga. Oo markaan arkay ayaan wejiga u dhacay, oo waxaan maqlay mid hadlaya codkiis.