Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - YEXESQEEL

YEXESQEEL 15

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Oo haddana Eraygii Rabbiga ayaa ii yimid isagoo leh,
2Wiilka Aadamow, geedka canabku bal muxuu dhirta kale dheer yahay, amase laanta canabku maxay dhirta kaynta ku taal dheer tahay?
3Ma qoryaa laga goostaa in shuqul lagu samaysto? Miyaase dadku qodob ka goostaa si ay weel u sudhaan?
4Bal eeg, xaabo ahaan baa dabka loogu dhex tuuraa, oo dabka ayaa labadiisa madaxba dhammeeya, oo dhexdiisuna way gubataa. Miyuu in shuqul lagu qabsado wax u taraa?
5Bal eeg, markuu dhamaa shuqulna waxba uma tarayn, haddaba bal intee buu ka sii liitaa haatan oo uu dab dhammeeyey oo uu gubtay?
6Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Sidii geedka canabka ah oo ku dhex yaal dhirta kaynta, oo aan xaabo ahaan dabka u siiyey, sidaas oo kale ayaan dadka Yeruusaalem deggan u siin doonaa.
7Oo wejigaygaan u soo jeedin doonaa. Dabkay ka dhex bixi doonaan laakiinse dabku wuu baabbi'in doonaa; oo idinkuna waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, markaan iyaga wejigayga u jeediyo.
8Oo Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dalkaan cidla ka dhigi doonaa, maxaa yeelay, iyagu way xadgudbeen.