Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - WACDIYAHII

WACDIYAHII 9

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Waxyaalahan oo dhan qalbigaygaan kaga fiirsaday si aan u baadho in kuwa xaqa ah iyo kuwa xigmadda leh, iyo shuqulladooduba ay gacanta Ilaah ku jiraan. Binu-aadmigu garan maayo inay jacayl tahay iyo inay nacayb tahay toona. Wax waluba iyagay ka horreeyaan.
2Wax kastaaba isku si bay dadka oo dhan ugu yimaadaan, oo isku wax baa ku dhaca ka xaqa ah iyo ka sharka ahba, ka wanaagsan iyo ka xunba, ka nadiifta ah iyo ka aan nadiifta ahaynba, ka allabariga bixiya iyo ka aan allabariga bixinba. Sida kan wanaagsanu yahay ayaa dembiluhuna yahay, oo ka dhaartaana waa la mid kan dhaarta ka cabsada.
3Wax xun baa ku jira waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan, waana in isku wax ay dadka oo dhan ku dhacaan. Oo weliba qalbiga binu-aadmiga shar baa ka buuxa, oo qalbigoodana intay nool yihiin waalli baa ku jirta, oo taas dabadeedna kuwii dhintay ayay u tagaan.
4Kii kuwa nool oo dhan la jira rajuu leeyahay, waayo, eeygii noolu waa ka wanaagsan yahay libaax dhintay.
5Waayo, kuwa noolu way og yihiin inay dhiman doonaan, laakiinse kuwa dhintay waxba ma oga, oo innaba abaalgud dambe ma heli doonaan, waayo, iyaga waa la illoobay.
6Oo weliba jacaylkoodii iyo nacaybkoodii iyo hinaasiddoodiiba way wada baabbe'een, oo innaba qayb dambe kuma lahaan doonaan waxa qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan.
7Orod oo tag, oo kibistaada farxad ku cun, oo khamrigaagana qalbi istareexsan ku cab, waayo, Ilaah shuqulladaadii horuu u aqbalay.
8Had iyo goorba dharkaagu wax cad ha ahaado, oo madaxaaguna yuusan saliid waayin.
9Naagtaada aad jeceshahay farxad kula noolow intaad ku nooshahay cimrigaaga aan waxba tarayn ee Ilaah qorraxda hoosteeda kugu siiyey oo dhan, waayo, taasu waa qaybtaadii aad ku heshay noloshan iyo hawshaadii aad qorraxda hoosteeda ku dhibtootay.
10Wax alla wixii gacantaadu hesho inay samayso xooggaaga oo dhan ku samee, waayo, She'ool oo aad tegaysid shuqul iyo hindiso iyo aqoon iyo xigmad toona laguma arko.
11Markaasaan mar kale fiirsaday, oo waxaan qorraxda hoosteeda ku arkay inaan kuwa dheereeyaa mar kasta tartanka ku badin, ama aan kuwa xoogga badanu mar kasta dagaalka adkaan, ama aan kuwa xigmadda lahu mar kasta kibis helin, ama aan kuwa garaadka ahu mar kasta hodan noqon, ama aan saanacyada mar kasta raalli laga ahayn, laakiinse waxaa kulligood hela wakhti iyo nasiib.
12Waayo, ninna wedkiisa ma yaqaan. Sida kalluun shabag xun lagu qabto, iyo sida shimbirro dabin ku dhaca, saasoo kalaa binu-aadmigana wakhti xun lagu dabaa, markii wedku si kedis ah ugu yimaado.
13Oo xigmad caynkan ah ayaan qorraxda hoosteeda ku arkay, iyana way ila weynayd.
14Waxaa jirtay magaalo yar oo ay dad tiro yaru dhexdeeda joogaan, oo waxaa iyadii ku soo duulay boqor weyn. Wuu hareereeyey oo dhufayso waaweyn hareereheeda ka dhistay.
15Haddana waxaa laga dhex helay nin miskiin ah oo xigmad leh, oo isna xigmaddiisii ayuu magaaladii ku samatabbixiyey, laakiinse haddana ninkaas miskiinka ah ciduna ma xusuusan.
16Markaasaan idhi, Xigmaddu xoogga way ka fiican tahay, hase ahaatee ninkii miskiin ah xigmaddiisa waa la quudhsadaa, oo erayadiisana lama dhegaysto.
17Kuwa xigmadda leh erayadoodii xasilloonaan lagu maqlaa waa ka sii wanaagsan yihiin qaylada kan nacasyada ka dhex taliya.
18Xigmaddu waa ka fiican tahay hubka dagaalka, laakiinse dembile qudha ayaa wax badan oo wanaagsan baabbi'iya.