Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - BOQORRADII LABAAD - BOQORRADII LABAAD 10

BOQORRADII LABAAD 10:7-27

Help us?
Click on verse(s) to share them!
7Oo markii warqaddii u timid ayay wiilashii boqorka soo kaxeeyeen oo laayeen iyagoo toddobaatan qof ah, oo madaxyadoodii ayay dambiilo ku gureen, oo isagii bay Yesreceel ugu direen.
8Oo waxaa isagii u yimid mid wargeeys ah, oo intuu u warramay ayuu ku yidhi, Wiilashii boqorka madaxyadoodii waa la keenay. Oo isna wuxuu ku yidhi, Iridda laga soo galo albaabka laba tuulmo u kala dhiga, oo ilaa berri subax ha yaalleen.
9Oo markii subaxdii la gaadhay ayuu soo baxay oo dibadda istaagay, oo wuxuu dadkii oo dhan ku yidhi, Idinku xaq baad tihiin! Bal eega, anigu sayidkaygii baan shirqoolay, oo waan dilay, laakiinse bal yaa kuwan oo dhan laayay?
10Haddaba bal ogaada in Eraygii Rabbiga ee uu Rabbigu reer Axaab kaga hadlay aan waxba dhulka kaga dhacayn, maxaa yeelay, Rabbigu waa sameeyey wixii uu kaga hadlay addoonkiisii Eliiyaah.
11Sidaasuu Yeehuu Yesreceel ugu laayay reerkii Axaab intii ka hadhay oo dhan, iyo raggiisii waaweynaa oo dhan, iyo saaxiibbadiisii oo dhan, iyo wadaaddadiisii, ilaa uusan waxba u reebin.
12Markaasuu kacay oo baxay, oo wuxuu tegey Samaariya. Oo markuu gaadhay gurigii adhijirrada ee jidka ku yiil
13ayaa Yeehuu la kulmay boqorkii dalka Yahuudah oo Axasyaah ahaa walaalihiis, oo wuxuu ku yidhi, War yaad tihiin? Oo iyana waxay ugu jawaabeen, Annagu waxaannu nahay Axasyaah walaalihiis, oo waxaannu u soconnaa inaannu soo salaanno carruurtii boqorka iyo carruurtii boqoradda.
14Oo isna wuxuu yidhi, iyagoo nool nool qabqabta. Markaasaa la qabtay iyagoo nool nool, oo waxaa iyagoo ah laba iyo afartan nin lagu ag laayay godkii guriga adhijirrada, oo midkoodna kama uu tegin.
15Oo markuu halkaas ka tegey ayuu la kulmay Yehoonaadaab ina Reekaab oo soo socda inuu ka hor tago, oo intuu salaamay ayuu ku yidhi, War sidaan kuugu qalbi fayoobahay oo kale ma iigu qalbi fayow dahay? Markaasaa Yehoonaadaab ugu jawaabay, Haah, oo waan kuu qalbi fayoobahay. Isna wuxuu yidhi, Hadday saas tahay gacanta ii dhiib. Markaasuu gacanta u dhiibay, oo isna gaadhifaraskiisii ayuu soo saartay.
16Markaasuu ku yidhi, Kaalay, i raac, oo fiiri qiirada aan Rabbiga u qabo. Sidaasaa loo fuushiyey gaadhifaraskiisii.
17Oo haddana markuu Samaariya gaadhay ayuu wada laayay intii Axaab Samaariya ugu hadhay oo dhan ilaa uu u baabbi'iyey sidii uu ahaa eraygii Rabbigu kula hadlay Eliiyaah.
18Markaasaa Yeehuu soo wada ururiyey dadkii oo dhan, oo wuxuu ku yidhi, Axaab in yar buu Bacal u adeegi jiray, laakiinse anoo Yeehuu ah si weyn baan ugu adeegi doonaa.
19Haddaba sidaas daraaddeed iigu soo wada yeedha nebiyadii Bacal oo dhan, iyo intii isaga caabudi jirtay oo dhan, iyo wadaaddadiisii oo dhan; oo midna yuusan ka maqnaan, waayo, allabari weyn baan Bacal u bixinayaa; oo ku alla ka maqnaadaa noolaan maayo. Laakiinse Yeehuu saas khiyaanuu u sameeyey, waayo, wuxuu damacsanaa inuu wada baabbi'iyo inta Bacal caabudda oo dhan.
20Yeehuuna wuxuu yidhi, Shir weyn Bacal quduus uga dhiga. Oo taas waa la naadiyey.
21Oo Yeehuuna wuxuu u cid diray dalka Israa'iil oo dhan, markaasaa waxaa yimid intii Bacal caabudi jirtay oo dhan, sidaas daraaddeed nin aan iman ma jirin. Oo waxay soo galeen gurigii Bacal; oo gurigii Bacalna waa buuxsamay gees ilaa gees.
22Markaasuu wuxuu ku yidhi kii meeshii dharka u sarreeyey, Inta Bacal caabudda oo dhan dhar u keen. Kolkaasuu dhar u keenay.
23Markaasaa Yeehuu iyo Yehoonaadaab ina Reekaab waxay galeen gurigii Bacal, Yeehuuna wuxuu ku yidhi kuwii Bacal caabudayay, Baadha oo iska fiiriya inaan halkan addoommadii Rabbiga waxba idinkala joogin, laakiinse aad tihiin kuwa Bacal caabuda oo keliya.
24Markaasay gudaha u galeen inay allabaryo iyo qurbaanno la gubo bixiyaan. Haddaba Yeehuu wuxuu mar hore soo doortay siddeetan nin inay dibadda joogaan, oo wuxuu ku yidhi, Nimanka aan gacantiinna soo geliyo hadduu midna baxsado, kii sii daaya ayaa naftiisa loo qisaasayaa.
25Oo haddiiba markuu dhammeeyey allabarigii gubnaa oo uu bixinayay ayaa Yeehuu ku yidhi askartii iyo saraakiishii, Gala oo wada laaya, oo yaan midna ka soo bixin. Markaasay seef ku laayeen, oo askartii ordi jirtay iyo saraakiishii ayaa iyagii dibadda u soo tuuray oo waxay tageen magaaladii guriga Bacal.
26Oo waxay soo bixiyeen tiirarkii guriga Bacal ku jiray, wayna gubeen.
27Wayna jebiyeen tiirkii Bacal, oo dumiyeen gurigii Bacal oo ilaa maantadan waxay ka dhigeen meel lagu saxaroodo.

Read BOQORRADII LABAAD 10BOQORRADII LABAAD 10
Compare BOQORRADII LABAAD 10:7-27BOQORRADII LABAAD 10:7-27