Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII

SABUURRADII 104

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiyow Ilaahayow, aad baad u weyn tahay, Oo waxaad huwan tahay murwad iyo haybad.
2Waxaad sida maro u huwataa nuur, Oo samooyinkana waxaad u kala bixisaa sida daah oo kale.
3Waxa qolkaaga saqafka u hayana waxaad dhigtaa biyaha dhexdooda, Daruurahana waxaad ka dhigataa gaadhifaras, Oo waxaad ku kor socotaa dabaysha baalasheeda,
4Waxaad dabaysha ka dhigataa wargeeyayaashaada, Oo waxaad midiidinyadaada ka dhigataa dab ololaya,
5Adigaa dhigay aasaaska dhulka, Si aanu weligiis u dhaqdhaqaaqin.
6Waxaad ku dabooshay mool sidii dhar oo kale, Biyihiina waxay joogsadeen buuraha korkooda.
7Canaantaadii ayay ku carareen, Oo codkii onkodkaaga ayay haddiiba ka baxsadeen,
8Waxay kor u fuuleen buuraha, oo waxay hoos ugu dhaadheceen dooxooyinka, Ilaa meeshii aad u samaysay.
9Waxaad iyaga u dhigtay xudduud aanay soo dhaafin, Si aanay mar kale u noqon oo aanay dhulka u daboolin.
10Isagu dooxooyinka wuxuu ku soo daayaa ilo, Iyana waxay durduraan buuraha dhexdooda,
11Waxay waraabiyaan xayawaanka duurka jooga oo dhan, Oo dameerdibadeedyaduna way harraad beelaan.
12Haadda samadu iyagay ag degganaadaan, Oo waxay ka dhex gabyaan laamaha.
13Buuraha wuxuu ka waraabiyaa qolalkiisa, Dhulkuna wuxuu ka dheregsan yahay midhihii shuqulladaada.
14Isagu wuxuu ka dhigaa in dooggu xoolaha u soo baxo, Oo geedaha yaryarna wuxuu u soo bixiyey in dadku ku isticmaalo, Inuu dhulka cunto ka soo bixiyo,
15Iyo khamri ka farxiya dadka qalbigiisa, Iyo saliid uu wejiga ku dhaashado, Iyo kibis qalbiga dadka xoogaysa.
16Rabbiga dhirtiisu waa dheregsan tahay, Kuwaas oo ah geedaha kedar la yidhaahdo oo Lubnaan oo uu isagu beeray,
17Kuwaas oo ah meesha shimbirruhu buulkooda ay ka samaystaan, Xuurtuna gurigeeda waxay ka kor dhisataa geedaha waaweyn.
18Buuraha dhaadheer waxaa leh riyaha dibadda, Dhagaxyada waaweynuna waxay gabbaad u yihiin walooyinka.

19Isagu dayaxa wuxuu u sameeyey xilliyo, Oo qorraxduna dhicitinkeeda way taqaan.
20Waxaad samaysaa gudcur, oo habeen baa yimaada, Markaasay xayawaanka duurku soo wada baxaan.
21Libaaxyada aaranka ahu waxay u ciyaan ugaadhsigooda, Cuntadoodana waxay ka sugaan xagga Ilaah.
22Oo kolkii qorraxdu soo baxdana way noqdaan, Oo waxay iska seexdaan godadkooda.
23Dadku waa u soo baxaa shuqulkiisa Iyo hawshiisa ilaa tan iyo fiidka.
24Rabbiyow, shuqulladaadu tiro badanaa! Kulligoodna xigmad baad ku samaysay, Dhulka waxaa ka buuxa hodantinimadaada.
25Halkoo waxaa ku taal bad weyn oo ballaadhan, Gudaheedana waxaa ku jira waxyaalo gurguurta oo aan la tirin karin, Iyo xayawaan waaweyn iyo kuwo yaryarba.
26Halkaas waxaa ku socda doonniyo, Oo waxaa halkaas yaal bahal badeed oo Lewiiyaataan la odhan jiray oo aad u abuurtay inuu ku dhex cayaaro.
27Kuwaas oo dhammu adigay kaa sugaan, Inaad cuntadooda siiso wakhti ku habboon.
28Oo waxaad iyaga siiso ayay isu soo urursadaan, Gacantaadaad furtaa oo waxay ka dhergaan waxyaalo wanaagsan.
29Wejigaagaad qarisaa, oo way dhibtoodaan, Naftoodaad ka qaaddaa oo way dhintaan, Oo waxay ku noqdaan ciiddoodii.
30Waxaad soo dirtaa ruuxaaga, kolkaasay iyagu abuurmaan, Dhulkana waad cusboonaysiisaa.
31Rabbiga ammaantiisu ha sii raagto weligeedba, Oo Rabbigu ha ku reyreeyo shuqulladiisa.
32Isagu dhulkuu eegaa, oo wuu gariiraa, Wuxuu taabtaa buuraha, oo way qiiqaan.
33Intaan noolahay oo dhan ayaan Rabbiga u gabyi doonaa, Oo Ilaahay ayaan ammaan ugu gabyi doonaa intaan jiro oo dhan.
34Fikirkaygu isaga ha u macaanaado, Rabbigaan ku rayrayn doonaa.
35Dembilayaashu dhulka ha ka baabbe'een, Oo kuwa sharka lahuna yaanay mar dambe sii jirin. Naftaydoy, Rabbiga ammaan. Rabbiga ammaana.