Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII

SABUURRADII 3

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbiyow, cadaawayaashaydu fara badanaa! Kuwa igu kacaa aad bay u badan yihiin.
2Way badan yihiin kuwa naftayda wax ka sheegaa, iyagoo leh, Ilaah isaga caawin maayo. (Selaah)
3Laakiinse, Rabbiyow, adigu waxaad tahay gaashaan igu wareegsan, Iyo sharaftayda, iyo kan madaxayga kor u qaada.
4Codkayga ayaan Rabbiga ugu qayliyaa, Oo isaguna wuxuu iiga jawaabaa buurtiisa quduuska ah. (Selaah)
5Anigu waan jiifsaday oo waan iska seexday, Oo haddana waan soo toosay, waayo, Rabbiga ayaa i xannaaneeya.
6Ka baqi maayo dadka kumanyaalkaa, Oo gees kasta iga hareereeyey.
7Kac, Rabbiyow, oo i badbaadi, Ilaahayow, Waayo, cadaawayaashaydii oo dhan waxaad ku dhufatay dhabanka, Oo kuwa sharka leh ilkahoodiina waad jejebisay.
8Badbaado waxaa leh Rabbiga, Barakadaadu dadkaaga ha ku soo degto. (Selaah)