Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII

SABUURRADII 15

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbiyow, bal yaa taambuuggaaga ku fadhiyaya? Oo bal yaa buurtaada quduuska ah degganaanaya?
2Waa kii si qumman u socda, oo xaqnimo sameeya, Oo qalbigiisa run kaga hadla.
3Waana kii aan carrabkiisa wax ku xaman, Ama aan saaxiibkiis xumaan ku samayn, Ama aan deriskiisa cay ku soo hadal qaadin,
4Kii indhihiisu ay nejiska quudhsadaan, Oo isagu murweeya kuwa Rabbiga ka cabsada, Kii hadduu dhaarto oo ay waxyeello ku tahay, aan isbeddelin,
5Kii aan lacagtiisa u soo bixin korsocod, Ama aan laaluush u qaadan inuu wax yeelo kuwa aan xaqa qabin. Kii waxyaalahaas sameeya weligiis lama dhaqaajin doono.