Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII

SABUURRADII 122

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Waan farxay markay igu yidhaahdeen, Ina keena, aan guriga Rabbiga tagnee.
2Yeruusaalemay, cagahayagu Waxay taagan yihiin irdahaaga gudahooda,
3Yeruusaalem waxaa loo dhisay Sida magaalo isku wada dheggan,
4Halkaasay qabiilooyinka, oo ah qabiilooyinka Rabbigu kor ugu baxaan Inay Israa'iil u marag furaan, Iyo inay magaca Rabbiga ku mahadnaqaan.
5Waayo, waxaa yaalla carshiyo garsoorid loo dhigay, Waana carshiyadii reerka Daa'uud.
6Yeruusaalem nabad ugu duceeya. Kuwa ku jecelu way barwaaqoobi doonaan.
7Nabadu ha ku jirto derbiyadaada gudahooda, Barwaaqona ha ku jirto daarahaaga dhaadheer.
8Walaalahay iyo rafiiqyadayda daraaddood Ayaan hadda waxaan odhanayaa, Nabadu gudahaaga ha ku jirto.
9Rabbiga Ilaahayaga gurigiisa daraaddiis Ayaan wanaaggaaga u doondooni doonaa.