Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MATAYOS

MATAYOS 9

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Markaasuu doonni fuulay oo dhanka kale u tallaabay oo magaaladiisii yimid.
2Kolkaasay waxay u keeneen nin curyaan ah oo sariir ku jiifa. Ciise oo rumaysadkooda arka ayaa ninkii curyaanka ahaa ku yidhi, Wiilkow, kalsoonow, dembiyadaadu waa kaa cafiyan yihiin.
3Kolkaasaa qaar culimmada ah waxay isku yidhaahdeen, Ninkan waa caytamayaa.
4Ciise oo fikirradooda garanaya ayaa ku yidhi, Maxaad haddaba shar ugu fikiraysaan qalbiyadiinna?
5Iyamaa hawl yar, in la yidhaahdo, Dembiyadaadu waa cafiyan yihiin, ama in la yidhaahdo, Kac oo soco?
6Laakiin si aad ku garataan in Wiilka Aadanahu dhulka ku leeyahay amar uu dembiyada ku cafiyo (markaasuu kii curyaanka ahaa ku yidhi), Kac oo sariirtaada qaado oo gurigaaga tag.
7Markaasuu kacay oo gurigiisii tegey.
8Laakiin dadkii badnaa goortay arkeen, way baqeen, oo Ilaah ammaaneen, kan amar caynkan oo kale ah dadka siiyey.
9Ciise kolkuu meeshaas ka tegey intuu socday ayuu wuxuu arkay nin la odhan jiray Matayos oo fadhiya meeshii cashuurta lagu qaado, oo wuxuu ku yidhi, I soo raac. Markaasuu kacay oo raacay.
10Waxaa dhacay, goortii Ciise guriga cunto u fadhiistay, in cashuurqaadayaal iyo dembilayaal badanu yimaadeen, oo ay la fadhiisteen Ciise iyo xertiisa.
11Goortii Farrisiintu arkeen ayay xertiisii ku yidhaahdeen, Macallinkiinnu muxuu cashuurqaadayaasha iyo dembilayaasha ula cunaa?
12Laakiin goortuu maqlay, wuxuu yidhi, Kuwa ladan dhakhtar uma baahna, laakiin kuwa buka ayaa u baahan.
13Laakiin taga oo barta hadalkan micnihiisa, Waxaan doonayaa naxariis ee ma aha allabari, waayo uma aan imanin inaan kuwa xaqa ah u yeedho, laakiin inaan dembilayaasha u yeedho ayaan u imid.
14Markaas waxaa u timid xertii Yooxanaa iyagoo leh, Annaga iyo Farrisiintu maxaannu dhaaxa u soonnaa, laakiin xertaadu ay u soomi weydaa?
15Markaasaa Ciise ku yidhi, Dadka aroosku ma barooran karaan intuu aroosku la joogo? Laakiin waxaa iman doona maalmaha arooska laga qaadi doono, markaasay soomi doonaan.
16Ninna karriin cusub kuma tolo dhar duug ah, waayo, tan lagu buuxin lahaa ayaa dharka ka go'da, oo jeexdintu waa ka sii xumaataa.
17Khamri cusubna laguma shubo qarbeddo duug ah, haddii kale qarbeddada ayaa qarxaya, khamriguna waa daadanayaa, qarbeddaduna waa hallaabayaan, laakiin khamri cusubse waxaa lagu shubaa qarbeddo cuscusub, labaduba waa sii raagayaan.
18Intuu waxan kula hadlayay, waxaa u yimid taliye oo u sujuuday oo ku yidhi, Gabadhaydu haddeer bay dhimatay, laakiin kaalay oo gacantaada saar oo way noolaanaysaa.

19Markaasaa Ciise kacay oo raacay, isaga iyo xertiisiiba.
20Kolkaas naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda.
21Waayo, waxay isku tidhi, Haddaan maradiisa iska taabto uun, waan bogsanayaa.
22Laakiin Ciise intuu ku soo jeestay oo arkay, ayuu wuxuu ku yidhi, Gabadhay, kalsoonow; rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey. Oo naagtii baa saacaddaas bogsatay.
23Ciise goortuu guriga taliyaha galay oo arkay kuwa biibiilayaasha yeedhinaya iyo dadka buuqaya,
24wuxuu ku yidhi, Ka leexda, yartu ma dhiman, waase huruddaa. Wayna ku qosleen.
25Laakiin markii dadkii badnaa la saaray, ayuu galay oo gacanteeda qabtay, yartiina waa kacday.
26Markaasaa warkaasu dalkaas oo dhan gaadhay.
27Ciise intuu meeshaas ka tegayay, waxaa daba socday laba nin oo Indhala', iyagoo qaylinaya oo leh, Ina Daa'uudow, noo naxariiso.
28Goortuu guriga galay ayay nimankii indhaha la'aa u yimaadeen. Markaasaa Ciise wuxuu ku yidhi, Ma rumaysan tihiin inaan waxan yeeli karo? Waxay ku yidhaahdeen, Haah, Sayidow.
29Markaasuu indhahooda taabtay isagoo leh, Sida rumaysadkiinnu yahay ha idiin noqoto.
30Markaasaa indhahoodii furmeen. Ciise aad buu u amray, oo ku yidhi, Iska jira; ninna yaanu ogaan.
31Laakiin iyagu way baxeen oo warkiisa ku fidiyeen dhulkaas oo dhan.
32Kolkay baxeen, bal eeg, waxaa loo keenay nin Carrabla' oo jinni qaba.
33Oo goortii jinnigii la saaray, ninkii carrabka la'aa waa hadlay, dadkii badnaana way yaabeen oo waxay yidhaahdeen, Sidaas oo kale Israa'iil weligeed laguma arag.
34Laakiin Farrisiintii waxay yidhaahdeen, Wuxuu jinniyada ku eryaa madaxda jinniyada.
35Ciise wuxuu ku wareegay magaalooyinka iyo tuulooyinka oo dhan, oo sunagogyadooda ayuu wax ku barayay, oo injiilka boqortooyadii ku wacdiyeyey, oo bugto walba iyo cudur walba ayuu bogsiinayay:
36Laakiin goortuu dadkii badnaa arkay ayuu u naxariistay, waayo, way dhibaataysnaayeen oo kala firidhsanaayeen sidii ido aan adhijir lahayn.

37Markaasuu xertiisii ku yidhi, Waxa beerta laga gooynayaa way badan yihiin, shaqaalayaashuse waa yar yihiin.
38Sidaa darteed Sayidka beergooyska barya inuu shaqaalayaal beertiisa u soo diro.