Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - BAXNIINTII - BAXNIINTII 21

BAXNIINTII 21:15-20

Help us?
Click on verse(s) to share them!
15Oo kii aabbihiis ama hooyadiis wax ku dhufta, hubaal kaas waa in la dilaa.
16Oo kii intuu nin xada iibiya ama gacantiisaba laga helo, hubaal kaas waa in la dilaa.
17Oo kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, hubaal kaas waa in la dilaa.
18Oo haddii niman diriraan, oo midkood kan kale dhagax ama feedh ku dhufto, oo uusan dhiman, laakiinse uu sariir ku jiif noqdo;
19kaasu hadduu mar kale sara kaco oo uu dibadda u baxo isagoo ushiisa ku tukubaya, markaas kii wax ku dhuftay eed ma leh, laakiinse waa inuu siiyaa wixii ka khasaaroobay intuu jiifay, waana inuu dhaqaaleeyo ilaa uu ka bogsado.
20Haddii nin addoonkiisa ama addoontiisa uu ul ku dhufto, oo uu gacantiisa ku dhinto, kaas hubaal waa in la ciqaabaa.

Read BAXNIINTII 21BAXNIINTII 21
Compare BAXNIINTII 21:15-20BAXNIINTII 21:15-20