Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 21

SABUURRADII 21:5-13

Help us?
Click on verse(s) to share them!
5Ammaantiisu waxay ku weyn tahay xagga badbaadintaada, Oo waxaad isaga saartaa murwad iyo haybad.
6Waayo, waxaad isaga ka dhigtaa mid weligiisba aad u barakaysan, Oo waxaad ka dhigtaa inuu hortaada farxad kula reyreeyo.
7Waayo, boqorku wuxuu isku halleeyaa Rabbiga, Oo Ilaaha ugu sarreeya raxmaddiisa aawadeed isaga innaba lama dhaqaajin doono.
8Gacantaadu waxay heli doontaa cadaawayaashaada oo dhan, Oo midigtaaduna waxay heli doontaa kuwa ku neceb.
9Oo markii aad cadhootid waxaad iyaga ka dhigi doontaa sida foorno dab ah. Oo Rabbigu wuxuu iyaga ku liqi doonaa cadhadiisa, Oo dab baa gubi doona.
10Midhahooda dhulkaad ka baabbi'inaysaa, Farcankoodana binu-aadmiga dhexdiisa.
11Waayo, iyagu waxay ku talo jireen inay xumaan kugu sameeyaan, Oo waxay hindiseen xeel ayan iyagu dhammayn karin.
12Waayo, waxaad iyaga ka dhigi doontaa inay dib u jeestaan, Oo xadhigga qaansadaadana waxaad ku diyaarin doontaa wejigooda hortiisa.
13Rabbiyow, adigu xooggaaga ku sarree, Markaasaannu gabyi doonnaa, oo waxaannu ammaani doonnaa itaalkaaga.

Read SABUURRADII 21SABUURRADII 21
Compare SABUURRADII 21:5-13SABUURRADII 21:5-13