Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 147

SABUURRADII 147:1-9

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbiga ammaana. Waayo, way wanaagsan tahay in Ilaaheenna ammaan loogu gabyo, Waayo, taasu way wacan tahay, oo ammaantuna way habboon tahay.
2Rabbigu Yeruusaalem buu dhisaa, Oo wuxuu isu soo wada ururiyaa kuwa la naco oo reer binu Israa'iil ah.
3Isagaa bogsiiya kuwa qalbi jabay, Oo nabrahoodana wuu duubaa.
4Wuxuu sheegaa xiddigaha tiradooda, Oo kulligoodna magacyo buu u bixiyaa.
5Sayidkeennu waa weyn yahay, wuuna xoog badan yahay, Waxgarashadiisuna waa mid aan la koobi karayn.
6Rabbigu wuu tiiriyaa kuwa camalka qabow, Oo kuwa sharka lehna dhulkuu ku soo tuuraa.
7Rabbiga mahadnaqid ugu gabya, Oo kataaradda ammaan ugu gabya Ilaaheenna,
8Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.
9Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.

Read SABUURRADII 147SABUURRADII 147
Compare SABUURRADII 147:1-9SABUURRADII 147:1-9