1Oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu wada gooyo quruumaha Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dalkooda idin siinayo oo aad meeshooda gashaan ee aad degtaan magaalooyinkooda iyo guryahooda,
2markaas waa inaad saddex magaalo gaar kaga dhex dhigataan dalkiinna uu Rabbiga Ilaahiina ahu idiin siinayo inaad hantidaan.
3Oo waa inaad jidka hagaagsataan oo dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin dhaxalsiinayona soohdimihiisa waxaad u qaybisaan saddex meelood in gacankudhiigle kastaaba halkaas ku cararo.
4Oo gacankudhiiglaha halkaas ku cararayo oo noolaanayo waa caynkan: oo waa kii deriskiisa kama' ku dilay isagoo aan hore u necbayn,
5sida markii nin deriskiis duurka ugu raaco inay qoryo soo jaraan, oo gacantiisu ay faaska qaadato inuu geedka ku jaro, oo markaas birtu intay daabka ka siibato ku dhacdo kii deriskiisa ahaa ee uu saas ku dhinto, markaas isagu waa inuu ku cararaa magaalooyinkaas middood si uu ku noolaado,
6waaba intaasoo ka aardoonka ahu uu gacankudhiiglaha raacdaystaa intuu qalbigiisu kulul yahay, oo uu gaadhaa jidka fog aawadiis, oo uu markaas dilaa isagoo aan dhimasho istaahilin, maxaa yeelay, isagu hore uma uu necbayn.
7Oo sidaas daraaddeed waxaan idinku amrayaa oo idinku leeyahay, Waa inaad saddex magaalo gaar ka dhigataan.
8Haddii Rabbiga Ilaahiinna ahu u ballaadhiyo soohdimihiinna, siduu awowayaashiin ugu dhaartay, oo uu idin wada siiyo dalkii uu awowayaashiin u ballanqaaday inuu iyaga siinayo oo dhan,
9oo haddaad xajisaan oo wada yeeshaan amarkan aan maanta idinku amrayo oo dhan, inaad Rabbiga Ilaahiinna ah jeclaataan oo aad weligiin jidadkiisa ku socotaan, kolkaas saddex magaalo oo kale oo aan saddexdan ahayn waa inaad ku darsataan,
10si aan dhiig aan xaq qabinu loogu dhex daadin dalkii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siinayo, waaba intaasoo dhiig idin saarnaadaa.
11Laakiinse haddii nin deriskiisa neceb yahay ee uu isaga meel ugu gabbado oo uu markaas ku soo boodo oo uu ku dhufto nabar uu u dhinto, kolkaas hadduu u cararo magaalooyinkaas middood,
12waayeellada magaaladiisu waa inay cid u soo diraan, oo halkaas ka soo wadaan, oo waa inay kii aardoonka ahaa gacantiisa ku ridaan isagu ha dhintee.
13Oo isaga ishiinnu yaanay u nixin, laakiinse dhiigga aan xaqa qabin reer binu Israa'iil dhexdooda waa inaad ka fogaysaan, si aad u nabdoonaataan.
14Midkiinna waa inuusan innaba durkin soohdinta deriskiisa oo hore loo dhex qotomiyey dhaxalkiinna aad dhaxli doontaan ee dalka Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idiin siinayo inaad hantidaan.
15Qof keliyahu yuusan nin ugu marag furin xumaan ama dembi uu dembaabay toona, laakiinse wax kastaba ha lagu adkeeyo afka laba markhaati ama saddex markhaati.
16Haddii markhaati aan xaq ahaynu uu nin ku kaco oo uu ku marag furo inuu xumaan sameeyey,
17markaas labada nin oo muranku ka dhexeeyaa waa inay soo istaagaan Rabbiga hortiisa iyo wadaaddada iyo xaakinnada waagaas jiri doono hortooda,
18oo xaakinnadu waa inay xaalkaas aad u baadhaan, oo bal eeg, haddii markhaatigu yahay markhaati been ah, oo uu walaalkiis si been ah ugu marag furay,
19markaas waa inaad ku samaysaan siduu damcay inuu walaalkiis ku sameeyo, oo sidaas waa inaad dhexdiinna sharka uga saartaan.
20Oo kuwa hadhay xaalkaas way maqli doonaan oo cabsan doonaan, oo markaas ka dibna innaba dhexdiinna shar dambe oo caynkaas ah kuma samayn doonaan.
21Oo ishiinnu yaanay ninna u nixin, nafu naf ha u baxdo, ilna il ha loo rido, iligna ilig, gacanna gacan ha loo gooyo, cagna cag.