Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 20

SABUURRADII 20:1-8

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbigu ha kuu jawaabo maalinta dhibta, Ilaaha Yacquub magiciisu meel sare ha ku taago,
2Caawimaadna ha kaaga soo diro meesha quduuska ah, Oo Siyoonna ha kaa xoogeeyo,
3Ha xusuusto qurbaannadaadii oo dhan, Oo ha aqbalo allabarigaagii gubnaa, (Selaah)
4Oo ha ku siiyo waxa qalbigaagu doono, Oo ha kuu yeelo muraadkaaga oo dhan.
5Innagu waxaynu ku guulaysanaynaa badbaadintaada, Oo calammadeennana waxaynu ku sudhaynaa magaca Ilaaheenna, Rabbigu ha ku siiyo waxaad weyddiisato oo dhan.
6Anigu hadda waan ogahay in Rabbigu badbaadiyo kii uu isagu subkaday, Oo wuxuu isaga uga soo jawaabi doonaa samadiisa quduuska ah, Oo wuxuuna ugu jawaabi doonaa xooggiisa wax badbaadiya oo gacantiisa midig.
7Qaar waxay isku halleeyaan gaadhifardoodyo, qaarna waxay isku halleeyaan fardo, Laakiinse innagu waxaynu xusuusanaynaa magaca Rabbiga Ilaaheenna ah.
8Iyagu way foororsadeen, wayna dheceen, Laakiinse innagu waynu kacnay, oo waynu taagan nahay.

Read SABUURRADII 20SABUURRADII 20
Compare SABUURRADII 20:1-8SABUURRADII 20:1-8