Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 141

SABUURRADII 141:1-6

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, haddaba ii soo dhaqso, Oo markaan kuu qayshado, codkayga dhegta u dhig.
2Baryootankaygu ha noqdo sida foox hortaada la dhigay, Oo gacma-koruqaadiddayduna ha noqoto sida allabariga fiidnimo.
3Rabbiyow, afkayga waardiye hor jooji, Oo albaabka bushimahaygana dhawr.
4Qalbigayga ha u duwin wax shar ah, Yaanu falimo xumaan ah la gelin Dadka xumaanta ka shaqeeya, Oo yaanan wax ka cunin waxyaalahooda macaan.
5Kan xaqa ahu ha i dilo, raxmad bay ii ahaan doontaa, Oo ha i canaanto, waxay ii noqon doontaa sida saliid madaxa lagu shubto, Madaxayguna yaanu diidin, Waayo, xataa intay sharkooda ku sii jiraan ayaan tukashadayda ka geesta ah sii wadaa.
6Xaakinnadoodii waxaa lagu tuuray dhagaxa dhinacyadiisa, Oo iyagu waxay maqli doonaan erayadayda, waayo, way macaan yihiin.

Read SABUURRADII 141SABUURRADII 141
Compare SABUURRADII 141:1-6SABUURRADII 141:1-6