Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - BOQORRADII LABAAD - BOQORRADII LABAAD 13

BOQORRADII LABAAD 13:2-10

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Oo wuxuu sameeyey wax Rabbiga hortiisa shar ku ah, wuuna raacay dembiyadii Yaaraabcaam ina Nebaad uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, kamana uu tegin.
3Oo Rabbiga cadhadiisiina aad bay ugu kululaatay dadkii Israa'iil, oo wuxuu had iyo goorba gacanta u gelin jiray Xasaa'eel oo ahaa boqorkii Suuriya, iyo Benhadad ina Xasaa'eel.
4Oo Yehoo'aaxaas ayaa Rabbiga baryay, Rabbiguna wuu maqlay, waayo, wuxuu arkay dulmigii uu boqorkii Suuriya dadka Israa'iil ku hayay.
5(Markaasaa Rabbigu wuxuu dadkii Israa'iil siiyey badbaadiye, wayna ka hoos baxeen gacantii reer Suuriya; kolkaasay dadkii Israa'iil teendhooyinkoodii iska degeen sidii hore.
6Habase yeeshee kama ay tegin dembiyadii reerkii Yaaraabcaam uu dadkii Israa'iil dembaajiyey, laakiinse way ku socdeen, oo Samaariyana waxaa ku hadhay geedihii Asheeraah.)
7Waayo, Rabbigu waxba dadkii ugama uu reebin Yehoo'aaxaas konton nin oo fardooley ah, iyo toban gaadhifaras, iyo toban kun oo nin oo lug ah mooyaane; waayo, boqorkii Suuriya wuu wada baabbi'iyey, oo wuxuu ka dhigay sida boodhka lagu tunto oo kale.
8Haddaba Yehoo'aaxaas falimihiisii kale iyo wixii uu sameeyey oo dhan, iyo xooggiisiiba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
9Markaasaa Yehoo'aaxaas dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo meeshiisiina waxaa boqor ka noqday wiilkiisii Yoo'aash.
10Yoo'aash oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo soddonaad ayaa Yehoo'aash ina Yehoo'aaxaas dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu noqday, wuxuuna boqor ahaa lix iyo toban sannadood.

Read BOQORRADII LABAAD 13BOQORRADII LABAAD 13
Compare BOQORRADII LABAAD 13:2-10BOQORRADII LABAAD 13:2-10