Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - BOQORRADII KOWAAD - BOQORRADII KOWAAD 16

BOQORRADII KOWAAD 16:13-30

Help us?
Click on verse(s) to share them!
13sababtuna waxay ahayd dembiyadii Bacshaa iyo dembiyadii wiilkiisii Eelaah oo dhan ee ay dembaabeen ee ay dadkii Israa'iilna dembaajiyeen ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.
14Haddaba Eelaah falimihiisii kale, iyo wixii uu sameeyey oo dhammuba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
15Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii toddoba iyo labaatanaad ayaa Simrii intii toddoba maalmood ah boqor ku ahaa Tirsaah. Haddaba dadkii waxay iyagoo ka gees ah ag degeen Gibbetoon oo ay reer Falastiin lahaayeen.
16Oo dadkii magaalada ag degay waxay maqleen oo lagu yidhi, Simrii shirqool buu sameeyey oo boqorkiina wuu dilay. Sidaas daraaddeed dadkii dalka Israa'iil oo dhammu waxay maalintaas xerada dhexdeeda dalka Israa'iil boqor uga dhigeen Coomrii oo ahaa sirkaalkii ciidanka.
17Oo Coomrii wuxuu ka kacay Gibbetoon isagoo ay dadkii Israa'iil oo dhammu la socdaan, markaasay Tirsaah hareereeyeen.
18Markii Simrii arkay in magaaladii la qabsaday ayuu galay qalcaddii gurigii boqorka, kolkaasuu gurigii boqorka isku gubay, wuuna u dhintay
19dembiyadiisii uu dembaabay markuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo uu ku socday jidkii Yaaraabcaam, iyo dembigii uu sameeyey ee uu dadkii Israa'iilna dembaajiyey.
20Haddaba Simrii falimihiisii kale iyo fallaagowgiisii uu sameeyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
21Markaasaa dadkii dalka Israa'iil laba meelood u kala qaybsamay; dadkii badhkiis wuxuu raacay Tibnii oo ahaa ina Giinad, oo boqor bay ka dhigteen; badhkii kalena wuxuu raacay Coomrii.
22Laakiinse dadkii Coomrii raacay waxay ka adkaadeen dadkii raacay Tibnii ina Giinad. Markaasaa Tibnii dhintay, Coomriina boqor buu noqday.
23Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii kow iyo soddonaad ayaa Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu boqor ahaa laba iyo toban sannadood oo Tirsaah wuxuu boqor ka ahaa lix sannadood.
24Oo Shemer ayuu buurtii Samaariya kaga iibsaday laba talanti oo lacag ah; markaasuu buurta dusheedii magaalo ka dhisay, oo magaaladii uu dhisay magaceediina wuxuu u bixiyey Samaariya, oo wuxuu ku magacaabay ninkii Shemer ahaa ee buurta lahaa.
25Oo Coomriina wuxuu sameeyey wixii Rabbiga hortiisa shar ku ahaa, oo wuxuu ku kacay shar ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.
26Oo wuxuu ku socday jidkii Yaaraabcaam ina Nebaad oo dhan, iyo dembiyadii uu dadkii Israa'iil dembaajiyey ee ay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil kaga xanaajiyeen falimahoodii aan waxtarka lahayn.
27Haddaba Coomrii falimihiisii kale ee uu sameeyey, iyo xooggiisii uu muujiyeyba sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Israa'iil?
28Markaasaa Coomrii dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa lagu aasay Samaariya; oo wiilkiisii Axaab ayaa meeshiisii boqor ka noqday.
29Oo Aasaa oo ahaa boqorkii dalka Yahuudah sannaddiisii siddeed iyo soddonaad ayaa Axaab oo ahaa ina Coomrii dalka Israa'iil boqor ka noqday, oo wuxuu dalka Israa'iil Samaariya boqor ugu ahaa laba iyo labaatan sannadood.
30Oo Axaab oo ahaa ina Coomrii wuxuu sameeyey wixii shar ku ahaa Rabbiga hortiisa oo ka sii daran sharkii kuwii isaga ka horreeyey oo dhan.

Read BOQORRADII KOWAAD 16BOQORRADII KOWAAD 16
Compare BOQORRADII KOWAAD 16:13-30BOQORRADII KOWAAD 16:13-30