Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 36

SABUURRADII 36:3-11

Help us?
Click on verse(s) to share them!
3Erayada afkiisu waa xumaan iyo khiyaano, Oo inuu caqliyaysto iyo inuu wax wanaagsan sameeyoba wuu iska daayay.
4Wuxuu sariirtiisa ku hindisaa xumaan, Oo wuxuu joogsadaa jid aan wanaagsanayn, Oo weliba sharka ma naco.
5Rabbiyow, raxmaddaadu samooyinkay ku jirtaa, Aaminnimadaaduna daruurahay gaadhaa.
6Xaqnimadaadu waa sida buuraha Ilaah, Oo xukummadaaduna waa mool dheer, Rabbiyow, waxaad nabad gelisaa dadka iyo duunyadaba.
7Ilaahow, raxmaddaadu qaalisanaa! Oo binu-aadmiguna wuxuu magangalaa hooska baalashaada.
8Aad bay uga dhergi doonaan barwaaqada gurigaaga, Oo waxaad iyaga ka waraabin doontaa webiga farxaddaada.
9Waayo, isha noloshu aday kula jirtaa, Oo iftiinkaagaannu iftiin ku aragnaa.
10Raxmaddaada ugu sii wad kuwa ku yaqaan, Oo xaqnimadaadana kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11Cagta kuwa kibirsan yaanay ii iman, Oo kuwa sharka leh gacantooduna yaanay i eryin.

Read SABUURRADII 36SABUURRADII 36
Compare SABUURRADII 36:3-11SABUURRADII 36:3-11