Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII - MAAHMAAHYADII 9

MAAHMAAHYADII 9:2-9

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Neefafkeedii ayay qashay, oo waxay isku dartay khamrigeedii; Miiskeediina way diyaarisay.
3Oo gabdhaheedii midiidinnada ahaa ayay dirtay, oo waxay ka qaylinaysaa Magaalada meelaha ugu sarreeya, iyadoo leh,
4Ku alla kii garaaddaranu, halkan ha u soo leexdo. Oo kii waxgarasho u baahanna waxay ku leedahay,
5Kaalaya oo kibistayda wax ka cuna, Oo khamriga aan isku darayna wax ka cabba.
6Garaadlaawayaashow, nacasnimada iska daaya, oo noolaada, Oo jidka waxgarashadana mara.
7Kii mid wax quudhsada toosiyaa, cay buu isu soo jiidaa, Oo kii kan sharka leh canaantana, ceeb baa ku dhacda.
8Mid wax quudhsada ha canaanan, waaba intaas oo uu ku necbaadaaye, Nin caqli leh canaano, oo isna wuu ku jeclaan doonaa.
9Nin caqli leh wax bar, oo isna caqli wuu sii yeelan doonaa. Nin xaq ah wax bar, oo isna waxbarasho wuu sii korodhsan doonaa.

Read MAAHMAAHYADII 9MAAHMAAHYADII 9
Compare MAAHMAAHYADII 9:2-9MAAHMAAHYADII 9:2-9