Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - BOQORRADII KOWAAD - BOQORRADII KOWAAD 7

BOQORRADII KOWAAD 7:35-51

Help us?
Click on verse(s) to share them!
35Oo saldhigga dushiisana waxaa tiil meel wareegsan oo sarajooggeedu yahay dhudhun badhkiis; oo saldhigga korkiisa siddooyinkiisa iyo darfihiisuba isagay ku yiilleen.
36Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin.
37Oo tobankii saldhigna saasuu u sameeyey; oo kulligoodna isku si baa loo shubay, oo isku qiyaas bay ahaayeen iyo isku qaab.
38Oo wuxuu sameeyey toban berkedood oo naxaas ah; oo berkedba waxay qaadday afartan bad; oo berked kastaaba waxay ahayd afar dhudhun; oo tobankii saldhigna mid kasta berked baa saarnayd.
39Oo saldhigyadii shanna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig, shantii kalena wuxuu dhigay guriga dhankiisa bidix; oo berkeddii weynaydna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig ee xagga bari ee dhinaca koonfureed.
40Oo Xiiraam wuxuu wada sameeyey berkedihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii. Oo sidaasuu Xiiraam u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga,
41kaasoo ahaa labadii tiir, iyo labadii fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa,
42iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa;
43iyo tobankii saldhig, iyo tobankii berkedood ee saldhigyada dul saarnaa,
44iyo berkeddii weynayd, iyo laba iyo tobankii dibi ee berkedda weyn ka hooseeyey,
45iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha.
46Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Saaretaan.
47Oo Sulaymaanna weelashii oo dhan ma uu miisaamin, maxaa yeelay, aad iyo aad bay u badnaayeen; oo naxaasta miisaankeeda lama hubin.
48Oo Sulaymaan baa sameeyey alaabtii guriga Rabbiga tiil oo dhan, kuwaasoo ahaa girgirihii dahabka ahaa, iyo miiskii ay kibistii tusniinta saarnayd oo dahabka ahaa;
49iyo laambadihii ahaa dahabka saafiga ah oo meesha ugu quduusan horteeda yiil, ee shanu midigta ka tiil, shanuna bidixda, iyo ubaxyadii iyo laambadihii, iyo birqaabyadii ee dahabka wada ahaa;
50iyo koobabkii, iyo alaabta laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadii ee dahabka saafiga ah wada ahaa, iyo birihii albaabbada guriga hoose ee ah meesha ugu wada quduusan iyo guriga macbudka ah albaabbadiisa oo dhan ee dahabka wada ah.
51Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ku sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Rabbiga.

Read BOQORRADII KOWAAD 7BOQORRADII KOWAAD 7
Compare BOQORRADII KOWAAD 7:35-51BOQORRADII KOWAAD 7:35-51