Text copied!
Bibles in Somali

BOQORRADII KOWAAD 7:35-51 in Somali

Help us?

BOQORRADII KOWAAD 7:35-51 in Kitaabka Quduuska Ah

35 Oo saldhigga dushiisana waxaa tiil meel wareegsan oo sarajooggeedu yahay dhudhun badhkiis; oo saldhigga korkiisa siddooyinkiisa iyo darfihiisuba isagay ku yiilleen.
36 Oo siddooyinkiisa iyo darfihiisa dushooda wuxuu ku xardhay keruubiim, iyo libaaxyo, iyo geedo timireed sidii mid kasta meeshiisii bannaanayd ahayd, iyagoo mid kasta ubaxyo laalaada ku wareegsan yihiin.
37 Oo tobankii saldhigna saasuu u sameeyey; oo kulligoodna isku si baa loo shubay, oo isku qiyaas bay ahaayeen iyo isku qaab.
38 Oo wuxuu sameeyey toban berkedood oo naxaas ah; oo berkedba waxay qaadday afartan bad; oo berked kastaaba waxay ahayd afar dhudhun; oo tobankii saldhigna mid kasta berked baa saarnayd.
39 Oo saldhigyadii shanna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig, shantii kalena wuxuu dhigay guriga dhankiisa bidix; oo berkeddii weynaydna wuxuu dhigay guriga dhankiisa midig ee xagga bari ee dhinaca koonfureed.
40 Oo Xiiraam wuxuu wada sameeyey berkedihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii. Oo sidaasuu Xiiraam u dhammeeyey shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ugu sameeyey guriga Rabbiga,
41 kaasoo ahaa labadii tiir, iyo labadii fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa, iyo labadii shabag oo ku dednaa labada fijaan oo taajajkii tiirarka kor saarnaa,
42 iyo afartii boqol oo rummaan ee labadii shabag lahaayeen, oo shabag kastaa wuxuu lahaa laba saf oo rummaan ah si ay u dedaan labadii fijaan ee taajajkii tiirarka kor saarnaa;
43 iyo tobankii saldhig, iyo tobankii berkedood ee saldhigyada dul saarnaa,
44 iyo berkeddii weynayd, iyo laba iyo tobankii dibi ee berkedda weyn ka hooseeyey,
45 iyo dheryihii, iyo majarafadihii, iyo maddiibadihii; oo dhammaan weelashan gurigii Rabbiga yiil ee uu Xiiraam Boqor Sulaymaan u sameeyey waxay ahaayeen naxaas dhalaasha.
46 Oo boqorku wuxuu alaabtaas ku shubay Bannaankii Webi Urdun oo dhoobada lahaa ee u dhexeeyey Sukod iyo Saaretaan.
47 Oo Sulaymaanna weelashii oo dhan ma uu miisaamin, maxaa yeelay, aad iyo aad bay u badnaayeen; oo naxaasta miisaankeeda lama hubin.
48 Oo Sulaymaan baa sameeyey alaabtii guriga Rabbiga tiil oo dhan, kuwaasoo ahaa girgirihii dahabka ahaa, iyo miiskii ay kibistii tusniinta saarnayd oo dahabka ahaa;
49 iyo laambadihii ahaa dahabka saafiga ah oo meesha ugu quduusan horteeda yiil, ee shanu midigta ka tiil, shanuna bidixda, iyo ubaxyadii iyo laambadihii, iyo birqaabyadii ee dahabka wada ahaa;
50 iyo koobabkii, iyo alaabta laambadihii lagu safeeya, iyo maddiibadihii, iyo malgacadihii, iyo idammadii ee dahabka saafiga ah wada ahaa, iyo birihii albaabbada guriga hoose ee ah meesha ugu wada quduusan iyo guriga macbudka ah albaabbadiisa oo dhan ee dahabka wada ah.
51 Oo saasuu ku wada dhammaaday shuqulkii uu Boqor Sulaymaan ku sameeyey guriga Rabbiga. Oo Sulaymaanna wuxuu soo geliyey alaabtii aabbihiis Daa'uud quduuska ka dhigay ee ahayd lacagtii, iyo dahabkii, iyo weelashii, oo wuxuu ku riday khasnadihii guriga Rabbiga.
BOQORRADII KOWAAD 7 in Kitaabka Quduuska Ah