Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - TIRINTII

TIRINTII 30

Help us?
Click on verse(s) to share them!
1Kolkaasaa Muuse madaxdii qabiilooyinka reer binu Israa'iil la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, Intanu waa wixii Rabbigu amray.
2Markii nin Rabbiga nidar u nidro, amase uu dhaar ugu dhaarto oo uu naftiisa sidaas ugu xidho, waa inuusan eraygiisa jebin. Waa inuu sameeyaa kulli wixii afkiisa ka soo baxay oo dhan.
3Qof dumar ahuna markay Rabbiga nidar u nidarto oo ay sidaas nafteeda ugu xidho, oo ay gurigii aabbaheed joogto iyadoo dhallinyaro ah,
4haddii aabbaheed maqlo nidarkeeda iyo dhaarteedii ay nafteeda ku xidhay, oo uu markaas iska aamuso, de markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna waa taagnaan doontaa.
5Laakiinse haddii aabbaheed u diido maalintii uu maqlo, nidarradeedii iyo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhay midkoodna taagnaan maayo, oo Rabbiguna wuu cafiyayaa iyada, maxaa yeelay, aabbaheed baa u diiday.
6Oo hadday nin leedahay iyadoo ay kor saaran yihiin nidarradeedii iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay,
7haddii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso maalintii uu maqlo, markaas nidarradeedii way taagnaan doonaan, oo dhaaraheedii ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doonaan.
8Laakiinse haddii ninkeedu u diido maalintii uu maqlo, markaasuu burin doonaa nidarkii saarnaa iyo hadalkii degdegga ahaa oo bushimaheeda ka baxay oo ay nafteeda ku xidhay; oo Rabbiguna iyada wuu cafiyi doonaa.
9Laakiinse carmal laga dhintay, amase tii la furay, nidarkeeda iyo xataa waxa kastoo ay nafteeda ku xidhayba way taagnaan doonaan.
10Oo hadday nidar gasho ama ay nafteeda dhaar ku xidho iyadoo guriga ninkeeda joogta,
11oo haddii ninkeedu maqlo oo uu iska aamuso ee uusan iyada u diidin, markaas nidarradeedii oo dhammu way taagnaan doonaan, oo dhaar kastoo ay nafteeda ku xidhayna way taagnaan doontaa.
12Laakiinse haddii ninkeedu uu iyaga buriyo maalintii uu maqlay, markaas wax alla wixii bushimaheeda ka soo baxay oo nidarradeeda ku saabsan amase ku saabsan dhaartii ay nafteeda ku xidhay ma ay taagnaan doonaan, waayo, ninkeedii baa buriyey, oo Rabbiguna wuu cafiyi doonaa iyada.
13Nidar kasta iyo dhaar kasta oo nafta lagu xidho in lagu dhibo aawadeed, ninkeedaa adkayn kara ama ninkeedaa burin kara.
14Laakiinse haddii ninkeedu maalin ka maalin ka aamuso iyada, markaas wuu adkeeyaa nidarradeedii oo dhan iyo dhaaraheedii iyada saarnaa oo dhan. Wuu adkeeyey, maxaa yeelay, wuu isaga aamusay maalintii uu maqlay.
15Laakiinse hadduu buriyo markuu maqlay dabadeed, de markaas isagaa qaadaya dembigeedii.
16Kuwanu waa qaynuunnadii Rabbigu ku amray Muuse, ee u dhexeeya nin iyo naagtiis, oo u dhexeeya aabbe iyo gabadhiis dhallinyaro ah oo guriga aabbaheed joogta.