22Waxaan ahaa doqon iyo jaahil, Oo hortaada waxaan ku ahaa sidii xoolo oo kale.
23Habase yeeshee had iyo goorba waan kula joogaa, Oo waxaad i qabatay gacanta midig.
24Waxaad igu hoggaamin doontaa taladaada, Oo dabadeedna waxaad igu dhowayn doontaa ammaanta.
25Bal, yaan samada ku leeyahay adiga mooyaane? Oo dhulkana laguma arko mid aan kaa jeclahay.
26Jiidhkayga iyo qalbigayguba waa itaal darnaadeen, Laakiinse Ilaah wuxuu weligiis ii yahay xooggii qalbigayga iyo qaybtayda.
27Waayo, bal eeg, kuwa kaa fogu way halligmi doonaan, Oo waad wada baabbi'isay kuwii kaa caasiyoobay oo dhan.
28Laakiinse aniga waxaa ii roon inaan Ilaah u soo dhowaado, Waayo, Sayidka Ilaahaa waxaan ka dhigtay magangalkayga, Inaan ka sheekeeyo shuqulladaada oo dhan.