Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 65

SABUURRADII 65:8-12

Help us?
Click on verse(s) to share them!
8Oo weliba kuwa dhulka meelaha ugu fog deggan waxay ka cabsadaan calaamooyinkaaga, Oo adigu waad ka farxisaa meelaha ay subaxda iyo fiidkaba ka baxaan.
9Dhulka waad soo booqataa, oo waad biyaysaa, Oo aad baad u barwaaqaysaa, Webiga Ilaahna biyaa ka buuxa, Waxaad iyaga siisaa hadhuudh, markii aad dhulka sidaas u diyaarisay.
10Adigu beerta jeexjeexeeda aad baad u waraabisaa, Oo waxaad dejisaa jeexjeexa tuurahooda, Oo tiixtiix baad ku jilcisaa, Oo waxa ka soo baxana waad barakaysaa.
11Sannadda waxaad taaj uga dhigtaa wanaaggaaga, Oo waddooyinkaagana waxaa ka tifqa subag.
12Waxay ku tifqaan daaqa cidlada, Oo buuruhuna waxay guntadaan farxad.

Read SABUURRADII 65SABUURRADII 65
Compare SABUURRADII 65:8-12SABUURRADII 65:8-12