7Ilaaha ciidammadow, mar kale na soo celi, Oo wejigaaga noo iftiimi, oo waannu badbaadi doonnaa.
8Geed canab ah ayaad dalkii Masar ka keentay, Oo intaad quruumihii ka eriday ayaad meel ku beertay.
9Meel baad hortiisa ku diyaarisay, Oo wuxuu yeeshay xididdo dhaadheer, kolkaasuu dhulkii buuxiyey.
10Oo buurihii waxaa qariyey hooskiisii, Oo laamihiisiina waxay noqdeen sidii geedaha la yidhaahdo kedar oo Ilaah.
11Laamihiisii wuxuu gaadhsiiyey tan iyo badda, Dhudihiisiina waxay gaadheen tan iyo Webiga.
12Bal maxaad deyrkiisii u dumisay Si ay kuwa jidka maraa oo dhammu u goostaan?
13Waxaa kharriba doofaarka kaynta, Oo waxaa iska daaqda ugaadha duurka.
14Ilaaha ciidammadow, waannu ku baryaynaaye noo soo noqo, Samada hoos nooga soo fiiri oo intaad soo eegtid, geedkan canabka ah soo booqo,
15Oo ilaali wixii ay gacantaada midig beertay, Iyo laantii aad adkaysatay.
16Dab baa lagu gubay, oo waa la gooyay, Oo waxay ku halligmeen canaantii jaahaaga.
17Gacantaadu ha kor saarnaato ninka gacantaada midig jooga, Iyo binu-aadmigii aad nafsaddaada u xoogaysatay.