Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 7

SABUURRADII 7:8-16

Help us?
Click on verse(s) to share them!
8Rabbigu dadyowga buu u garsooraa, Rabbiyow, ii xukun siday xaqnimadaydu tahay, iyo siday daacadnimadayda igu jirtaa tahay.
9Kuwa sharka leh sharkoodu ha dhammaado, laakiinse xoogee kuwa xaqa ah, Waayo, Ilaaha xaqa ahu wuxuu imtixaamaa qalbiga iyo uurka.
10Gaashaankaygu wuxuu la jiraa Ilaaha Badbaadiya kuwa qalbigoodu qumman yahay.
11Ilaah waa xaakin xaq ah, Oo waa Ilaah maalin kasta dhirifsan.
12Haddii aan laga noqon, isagu seeftiisuu afaysan doonaa, Qaansadiisana wuu xootay, oo wuu diyaarsaday.
13Oo weliba wuxuu diyaarsaday alaabtii dhimashada, Oo fallaadhihiisana wuxuu ka dhigtaa kuwo ololaya.
14Bal eega, ninku wuxuu la dhibtoodaa xumaan, Oo wuxuu wallacay belaayo, oo wuxuu dhalay been.
15Booraan buu sameeyey, oo uu qoday, Oo wuxuu ku dhacay bohoshii uu isagu sameeyey.
16Belaayadiisu waxay dib ugu noqonaysaa madaxiisa, Oo dulmigiisuna dhaladiisuu ku soo degayaa.

Read SABUURRADII 7SABUURRADII 7
Compare SABUURRADII 7:8-16SABUURRADII 7:8-16