Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 66

SABUURRADII 66:9-15

Help us?
Click on verse(s) to share them!
9Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.
10Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.
11Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.
12Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.
13Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii
14Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.
15Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)

Read SABUURRADII 66SABUURRADII 66
Compare SABUURRADII 66:9-15SABUURRADII 66:9-15