11Markaasuu boqorku quruxdaada jeclaanayaa, Waayo, isagu waa sayidkaaga, oo adna isaga u sujuud.
12Oo waxaa halkaas joogi doonta gabadha reer Turos, iyadoo hadiyad wadda, Xataa taajiriinta dadka ku jirtaa waxay kaa baryi doonaan raallinimo.
13Gabadha boqorka oo hoyga boqorka joogtaa waa qurux miidhan, Dharkeeda dahab baa lagu dhex sameeyey.
14Waxaa boqorka loo geeyn doonaa iyadoo sharraxan, Bikradaha saaxiibadaheeda ah oo iyada daba socdana waa laguu keeni doonaa.
15Waxaa iyaga lagu hoggaamin doonaa farxad iyo rayrayn, Oo waxay soo geli doonaan hoyga boqorka.
16Meeshii awowayaashaa waxaa joogi doona wiilashaada, Kuwaas oo aad dunida oo dhan amiirro uga dhigi doonto.