Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 147

SABUURRADII 147:8-14

Help us?
Click on verse(s) to share them!
8Kaasoo samada daruuro ku qariya, Oo dhulka roob u diyaarsha, Buurahana doog ka soo bixiya.
9Wuxuu quud siiyaa xayawaanka, Iyo tukayaasha yaryar markay qayliyaanba.
10Isagu kuma farxo xoogga faraska, Oo kuma reyreeyo lugaha dadka.
11Rabbigu wuxuu ku reyreeyaa kuwa isaga ka cabsada, Iyo kuwa naxariistiisa rajada ka qaba.
12Yeruusaalemay, Rabbiga ammaan, Siyoonay, Ilaahaaga ammaan.
13Waayo, wuxuu xoogeeyey qataarrada irdahaaga, Carruurtaadana wuu kugu dhex barakeeyey.
14Soohdimahaaga nabad buu ka dhigaa, Oo wuxuu kaa dhergiyaa sarreenka ugu wanaagsan.

Read SABUURRADII 147SABUURRADII 147
Compare SABUURRADII 147:8-14SABUURRADII 147:8-14