Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - SABUURRADII - SABUURRADII 144

SABUURRADII 144:4-8

Help us?
Click on verse(s) to share them!
4Dadku waa sida wax aan waxtar lahayn, Oo cimrigiisuna waa sida hooska libdha.
5Rabbiyow, samooyinkaaga foorori, oo soo dhaadhac, Buuraha taabo, oo iyana way qiiqi doonaan.
6Hillaac soo tuur, oo iyaga kala firdhi, Fallaadhahaaga soo gan, oo iyaga jebi.
7Gacantaada kor ka soo fidi, Oo i badbaadi, oo iga samatabbixi biyaha badan, Iyo gacanta shisheeyayaasha,
8Kuwaasoo afkoodu wax bilaash ah ku hadlo, Gacantooda midigna tahay midig beeneed.

Read SABUURRADII 144SABUURRADII 144
Compare SABUURRADII 144:4-8SABUURRADII 144:4-8