4Bal fiiri xaggayga midig, oo bal arag, Waayo, nin i yaqaan ma jiro, Meel aan magangalo ayaan waayay, ninna naftayda dan kama leh.
5Rabbiyow, adigaan kuu qayshaday, Oo waxaan idhi, Waxaad tahay magangalkayga, Iyo qaybta aan dalka kuwa nool ku leeyahay.
6Qayladayda dhegayso, waayo, aad baa hoos laygu dejiyey, Kuwa i silciya iga samatabbixi, waayo, iyagu way iga xoog badan yihiin.