Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - LAAWIYIINTII - LAAWIYIINTII 12

LAAWIYIINTII 12:2-7

Help us?
Click on verse(s) to share them!
2Reer binu Israa'iil la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Haddii naagu ilmo uuraysato oo ay wiil dhasho, markaas intii toddoba maalmood ah waa inay nijaas ahaataa, oo waxay u nijaasoobaysaa siday nijaasta u ahayd maalmihii dhiiggeeda.
3Oo maalinta siddeedaadna wiilka buuryadiisa ha la gudo.
4Oo iyadu waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda saddex iyo soddon maalmood oo kale, oo waa inayan taaban wax quduus ah, waana inayan meesha quduuska ah gelin ilamaa maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan.
5Laakiinse hadday gabadh dhasho, markaas intii laba toddobaad ah waa inay nijaas ahaataa sidii markay xagga dhiigga nijaas ka tahay, oo waa inay ku sii jirtaa dhiigga isdaahirinteeda lix iyo lixdan maalmood oo kale.
6Oo markii maalmaha isdaahirinteedu ay dhammaystirmaan wiilkeeda aawadiis ama gabadheeda aawadeed waa inay keentaa wan gu jira oo qurbaan la gubo aawadiis loo bixiyo, iyo xamaam yar ama qoolley oo qurbaan dembi aawadiis loo bixiyo oo waa inay wadaadka ugu keentaa teendhada shirka iriddeeda.
7Oo isna qurbaankaas waa inuu ku bixiyaa Rabbiga hortiisa, oo waa inuu iyada kafaaraggud u sameeyaa, oo iyana dhiigbixiddeeda way ka daahirsanaan doontaa. Kanu waa sharciga ku saabsan tii dhasha ama wiil ha ahaado ama gabadhe.

Read LAAWIYIINTII 12LAAWIYIINTII 12
Compare LAAWIYIINTII 12:2-7LAAWIYIINTII 12:2-7