Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 11

FALIMAHA RASUULLADA 11:26-29

Help us?
Click on verse(s) to share them!
26markuu soo helayna, ayuu Antiyokh keenay. Waxaana dhacday inay sannad dhan kiniisadda la urureen oo ay dad badan wax bareen, oo meeshii ugu horraysay ee xertii loogu yeedhay Masiixiyiin waxay ahayd Antiyokh.
27Wakhtigaas waxaa Yeruusaalem ka yimid nebiyo inay Antiyokh tagaan.
28Markaasaa mid iyaga ka mid ah oo Agabos la odhan jiray ayaa istaagay, oo wuxuu Ruuxa ku sheegay in abaar weyni dunida ku dhici doonto, taas oo dhacday wakhtigii Kalawdiyos.
29Markaasaa mid kasta oo xertii ka mid ihiba, sidii tabartiisu ahayd, wuxuu goostay inuu caawimaad u diro walaalihii Yahuudiya jooga,

Read FALIMAHA RASUULLADA 11FALIMAHA RASUULLADA 11
Compare FALIMAHA RASUULLADA 11:26-29FALIMAHA RASUULLADA 11:26-29