Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - BOQORRADII KOWAAD - BOQORRADII KOWAAD 3

BOQORRADII KOWAAD 3:13-19

Help us?
Click on verse(s) to share them!
13Oo weliba wixii aadan i weyddiisanna waan ku siiyey oo ah maal iyo derejoba, sidaas daraaddeed boqor kula mid ahu ma jiri doono cimrigaaga oo dhan.
14Oo haddaad ku socoto jidadkayga sidii aabbahaa Daa'uud ugu socday oo kale oo aad dhawrtid qaynuunnadayda iyo amarradayda markaas cimrigaaga waan dheerayn doonaa.
15Markaasaa Sulaymaan toosay, oo bal eeg waxay ahayd riyo; oo intuu Yeruusaalem yimid ayuu hor istaagay sanduuqii axdiga Rabbiga, oo wuxuu bixiyey qurbaanno la gubo iyo qurbaanno nabaadiino, oo addoommadiisii oo dhan ayuu diyaafad u sameeyey.
16Markaasaa waxaa boqorkii u yimid oo is-hor taagay laba naagood oo dhillooyin ah.
17Oo naagihii middood baa waxay ku tidhi, Sayidow, aniga iyo naagtanu isku guri baannu deggan nahay, oo anigu gurigaan ku umulay iyadoo joogta.
18Oo maalintii aan umulay tii ka saddex ahayd ayay naagtanuna umushay, waannuna wada joognay, oo labadayada mooyaane cid qalaadi guriga nagulama jirin.
19Oo naagtan ilmaheediina habeenkii buu dhintay, maxaa yeelay, iyadaa ku dul seexatay.

Read BOQORRADII KOWAAD 3BOQORRADII KOWAAD 3
Compare BOQORRADII KOWAAD 3:13-19BOQORRADII KOWAAD 3:13-19