20Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
21Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.
22Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
23Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
24Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.