Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - MAAHMAAHYADII - MAAHMAAHYADII 10

MAAHMAAHYADII 10:11-16

Help us?
Click on verse(s) to share them!
11Ninkii xaq ah afkiisu waa il nololeed, Laakiinse kuwa sharka leh afkooda dulmi baa qariya.
12Necbaantu waxay kicisaa isqabashada, Laakiinse jacaylku xadgudubyada oo dhan buu qariyaa.
13Kii waxgarasho leh bushimihiisa waxaa laga helaa xigmad, Laakiinse ushu waxay u taal kan garaadka daran dhabarkiisa.
14Dadkii caqli lahu waxay kaydsadaan aqoon, Laakiinse nacaska afkiisu waa baabba' dhow.
15Ninkii hodan ah maalkiisu waa u magaalo xoog leh, Laakiinse masaakiinta caydhnimadoodu waa u baabba'.
16Kuwa xaqa ah hawshoodu waxay u waddaa nolol, Laakiinse waxa kan sharka leh u kordhaa, dembi bay u sii kexeeyaan.

Read MAAHMAAHYADII 10MAAHMAAHYADII 10
Compare MAAHMAAHYADII 10:11-16MAAHMAAHYADII 10:11-16