Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - LAAWIYIINTII - LAAWIYIINTII 11

LAAWIYIINTII 11:4-28

Help us?
Click on verse(s) to share them!
4Habase yeeshee, kuwan oo ka mid ah kuwa calyanaqsiga raamsado oo raafka jeexan leh waa inaydaan cunin, kuwaasoo ah geela, maxaa yeelay, calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
5Oo waladana ha cunina, maxaa yeelay, iyadu calyanaqsiga way raamsataa, laakiinse raafkeedu ma kala jeexna, haddaba iyadu waa idinka nijaas.
6Oo bakaylahana ha cunina, maxaa yeelay, isagu calyanaqsiga wuu raamsadaa, laakiinse raafkiisu ma kala jeexna, haddaba isagu waa idinka nijaas.
7Oo doofaarkana ha cunina, maxaa yeelay, isaga raafkiisu waa kala jeexan yahay, oo qanjaafiluu leeyahay, laakiinse calyanaqsiga ma raamsado, sidaas daraaddeed isagu waa idinka nijaas.
8Haddaba kuwaas hilibkooda waa inaydaan cunin, oo baqtigoodana waa inaydaan taaban, maxaa yeelay, iyagu waa idinka nijaas.
9Waxa biyaha ku dhex jira oo dhan kuwan ka cuna: wax alla wixii baalal iyo qolfo leh oo ku dhex jira biyaha iyo badaha iyo webiyada cuna.
10Laakiinse wax alla wixii aan baalal iyo qolfo lahayn oo ku dhex jira badaha iyo webiyada, iyo waxa biyaha ku dhex dhaqdhaqaaqa oo dhan, iyo kulli waxyaalaha noolnool oo biyaha ku dhex jira oo dhammu waa idinka karaahiyo.
11Haddaba iyagu waa inay karaahiyo idinka ahaadaan; idinku waa inaydaan hilibkooda cunin, oo baqtigoodana waa inuu karaahiyo idinka ahaadaa.
12Wax alla wixii biyaha ku dhex jira oo aan lahayn baalal iyo qolfo waa idinka karaahiyo.
13Oo haaddana waxaa idinka karaahiyo ah kuwan, oo iyaga waa inaan la cunin, waayo, iyagu waa karaahiyo, waana baqalyada, iyo babawga, iyo saratoosiyaha,
14iyo xuunshada, iyo shimbirlaayaha, iyo faragooysta caynkeeda,
15iyo cayn kasta oo tuke ah,
16iyo gorayada, iyo aboodiga, iyo shimbirbadeedda, iyo cayn kasta oo haadka adag,
17iyo guumaysta yar, iyo xeebajoogta iyo guumaysta weyn,
18iyo guumaysgeesaleyda, iyo cantalyaaga, iyo gorgorka,
19iyo xuurta, iyo haadbiyoodda iyo caynteeda, iyo ceelajoogjoogta, iyo fiidmeerta.
20Oo wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waa idinka karaahiyo.
21Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta addinba ku socda dhammaantood waxaad ka cuni kartaan kuwa addimmada ku leh cagahooda ka kor, oo dhulka ku kor boodbooda,
22iyaga waxaad ka cuntaan kuwa caynkan ah oo ah ayaxa iyo caynkiisa, iyo kabajaanka iyo caynkiisa, iyo jiriqsiga iyo caynkiisa, iyo koronkorrada iyo caynkeeda.
23Laakiinse wax baalal leh oo gurguurta oo afarta cagood lahu, waa idinka karaahiyo.
24Oo kuwaas idinku waad ku nijaasoobaysaan, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii,
25oo ku alla kii baqtigooda wax ka qaadaa waa inuu dharkiisa maydhaa, oo nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
26Xayawaan kasta oo raafkiisu kala jeexan yahay, oo aan qanjaafilo lahayn ama aan calyanaqsiga raamsan waa idinka nijaas, oo ku alla kii iyaga taabtaana wuu nijaasoobayaa.
27Oo xayawaanka afarta addinba ku socda, wax alla wixii baabacooyinka ku socdaa waa idinka nijaas, oo ku alla kii baqtigooda taabtaa nijaas buu ahaanayaa tan iyo fiidkii.
28Oo kii baqtigooda qaadaana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaanayaa, waayo, iyagu waa idinka nijaas.

Read LAAWIYIINTII 11LAAWIYIINTII 11
Compare LAAWIYIINTII 11:4-28LAAWIYIINTII 11:4-28