7Sarajooggaagu waa sida geed baar ah, Oo naasahaaguna waa sida rucubyo canab ah.
8Waxaan is-idhi, Geedka baarka waan fuuli doonaa, Oo waxaan qabsan doonaa laamihiisa. Naasahaagu ha ahaadeen sida rucubyo canab ah, Oo sankaaga neeftiisuna ha u carafto sida midho tufaax ah.
9Oo afkaaguna ha ahaado sida khamri wanaagsan. Gacalisada Hadlaysaa Si qumman oo macaan ha ugu socda gacaliyahayga, Oo kuwa hurda bushimahooda ka hadliya.