Text copied!
CopyCompare
- GABAYGII SULAYMAAN - GABAYGII SULAYMAAN 5

GABAYGII SULAYMAAN 5:8-13

Help us?
Click on verse(s) to share them!
8Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.
9Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?
10Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan.
11Madaxiisu waa sida dahab saafi ah, Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.
12Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta, Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.
13Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.

Read GABAYGII SULAYMAAN 5GABAYGII SULAYMAAN 5
Compare GABAYGII SULAYMAAN 5:8-13GABAYGII SULAYMAAN 5:8-13