Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - GABAYGII SULAYMAAN - GABAYGII SULAYMAAN 5

GABAYGII SULAYMAAN 5:4-14

Help us?
Click on verse(s) to share them!
4Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka, Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.
5Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.
6Gacaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.
7Oo waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay ayaa i helay Wayna i garaaceen oo i dhaawaceen. Oo kuwii derbiyada dhawrayay ayaa garbasaartaydii iga qaaday.
8Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.
9Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?
10Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan.
11Madaxiisu waa sida dahab saafi ah, Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.
12Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta, Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.
13Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.
14Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.

Read GABAYGII SULAYMAAN 5GABAYGII SULAYMAAN 5
Compare GABAYGII SULAYMAAN 5:4-14GABAYGII SULAYMAAN 5:4-14