Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - FALIMAHA RASUULLADA - FALIMAHA RASUULLADA 10

FALIMAHA RASUULLADA 10:14-18

Help us?
Click on verse(s) to share them!
14Laakiin Butros wuxuu yidhi, Saas yaanay noqon, Rabbiyow, maxaa yeelay, weligay ma aan cunin wax xaaraan ah oo aan nadiif ahayn.
15Mar labaad codkii baa u yimid isagoo leh, Wixii Ilaah nadiifiyey, xaaraan ha ka dhigin.
16Taasuna waxay dhacday saddex goor; markiibana weelkii waa loo qaaday samada.
17Haddaba Butros intuu si aad ah ugu wareersaday riyadii uu arkay waxay micneheedu ahayd, bal eega, nimankii Korneeliyos soo diray, iyagoo mar weyddiistay gurigii Simoon, ayay waxay istaageen albaabka hortiisa,
18waxayna u yeedheen oo weyddiisteen in Simoon, kan la yidhaahdo Butros, uu meeshaas marti ku yahay iyo in kale.

Read FALIMAHA RASUULLADA 10FALIMAHA RASUULLADA 10
Compare FALIMAHA RASUULLADA 10:14-18FALIMAHA RASUULLADA 10:14-18