Text copied!
Bibles in Somali

WACDIYAHII 3:6-21 in Somali

Help us?

WACDIYAHII 3:6-21 in Kitaabka Quduuska Ah

6 wakhti wax la doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti wax la sii haysto iyo wakhti wax la xooro;
7 wakhti wax la jeexjeexo, iyo wakhti wax la tolo; wakhti la aamuso iyo wakhti la hadlo;
8 wakhti wax la jeclaado iyo wakhti wax la necbaado; wakhti dagaaleed, iyo wakhti nabdeed.
9 Kii shaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisa uu ku hawshoodo?
10 Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.
11 Wax kastuu ka dhigay inay wakhtigooda quruxsanaadaan, oo haddana daa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaatee binu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta.
12 Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.
13 Oo weliba waa hibo Ilaah in nin kastaaba wax cuno oo wax cabbo, oo uu wanaag ku istareexo intuu hawshoodo oo dhan.
14 Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.
15 Waxa haatan jiraa horeba way u jireen, oo waxa jiri doonaana horeba way u jireen, oo Ilaahna wuxuu doondoonaa wixii hore u dhaafay.
16 Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.
17 Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin.
18 Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.
19 Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.
20 Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.
21 Waayo, bal yaa yaqaan in dadka naftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulka hoos u tagto iyo in kale?
WACDIYAHII 3 in Kitaabka Quduuska Ah