Text copied!
CopyCompare
Kitaabka Quduuska Ah - WACDIYAHII - WACDIYAHII 3

WACDIYAHII 3:6-21

Help us?
Click on verse(s) to share them!
6wakhti wax la doondoono, iyo wakhti wax la lumiyo; wakhti wax la sii haysto iyo wakhti wax la xooro;
7wakhti wax la jeexjeexo, iyo wakhti wax la tolo; wakhti la aamuso iyo wakhti la hadlo;
8wakhti wax la jeclaado iyo wakhti wax la necbaado; wakhti dagaaleed, iyo wakhti nabdeed.
9Kii shaqeeyaa bal maxaa faa'iido ah oo uu ka helaa hawshiisa uu ku hawshoodo?
10Dhibaatadii Ilaah binu-aadmiga u siiyey inay ku hawshoodaan ayaan arkay.
11Wax kastuu ka dhigay inay wakhtigooda quruxsanaadaan, oo haddana daa'imnimadii ayuu qalbigooda ku beeray, hase ahaatee binu-aadmigu ma uu garto shuqulkii Ilaah sameeyey tan iyo bilowgii ilaa ugudambaysta.
12Waan ogahay inaan binu-aadmigu lahayn wax uga wanaagsan inay iska farxaan oo ay cimrigooda oo dhan wanaag sameeyaan mooyaane.
13Oo weliba waa hibo Ilaah in nin kastaaba wax cuno oo wax cabbo, oo uu wanaag ku istareexo intuu hawshoodo oo dhan.
14Waxaan ogahay in wax kasta oo Ilaah sameeyaaba ay weligood sii raagayaan. Waxba laguma dari karo, waxbana lagama dhimi karo. Oo Ilaah wuxuu saas u yeelay in dadku ka cabsado.
15Waxa haatan jiraa horeba way u jireen, oo waxa jiri doonaana horeba way u jireen, oo Ilaahna wuxuu doondoonaa wixii hore u dhaafay.
16Weliba waxaan kaloo qorraxda hoosteeda ku arkay in meeshii garsooridda ay caddaaladdarro ku jirto, oo meeshii xaqnimadana ay xumaanu ku jirto.
17Waxaan qalbigayga iska idhi, Ilaah baa u kala garsoori doona kan xaqa ah iyo kan sharka ah, waayo, wax kasta iyo shuqul kastaaba halkaasay wakhti ku leeyihiin.
18Waxaan qalbigayga iska idhi, Waxaa Ilaah doonaya inuu binu-aadmiga u tijaabiyo inay ogaadaan inay xayawaan yihiin.
19Waayo, wixii binu-aadmiga ku dhacaaba xayawaankana way ku dhacaan, oo xataa isku wax baa ku dhaca, oo sidii midkood u dhinto ayaa kan kalena u dhinta, oo weliba dhammaantood waxay leeyihiin isku neef, oo dadku xayawaanka waxba ma dheera, waayo, wax kastaaba waa wax aan waxba tarayn.
20Kulli isku meel bay tagaan, oo kulligood ciiddaa laga abuuray, oo kulligoodna ciidday ku wada noqon doonaan.
21Waayo, bal yaa yaqaan in dadka naftiisu ay kor tagto iyo in xayawaanka naftiisu ay dhulka hoos u tagto iyo in kale?

Read WACDIYAHII 3WACDIYAHII 3
Compare WACDIYAHII 3:6-21WACDIYAHII 3:6-21