Text copied!
Bibles in Somali

SABUURRADII 94:10-17 in Somali

Help us?

SABUURRADII 94:10-17 in Kitaabka Quduuska Ah

10 Kan quruumaha edbiyaa, sow wax hagaajin maayo? Kaasoo ah kan dadka aqoonta bara?
11 Rabbigu waa og yahay fikirrada binu-aadmigu Inay micnela'aan yihiin.
12 Rabbiyow, waxaa barakaysan ninkii aad edbiso, Oo aad sharcigaaga wax ka barto,
13 Si aad uga nasiso maalmaha belaayada Inta kan sharka lahaa godka loo qodayo.
14 Waayo, Rabbigu dadkiisa xoori maayo, Oo dhaxalkiisana dayrin maayo.
15 Waayo, garsooriddu waxay ku soo noqon doontaa xaqnimada, Oo inta qalbigoodu qumman yahay oo dhammuna way raaci doonaan.
16 Bal yaa ii kacaya oo sharfalayaasha iga hor joogsanaya? Oo yaa ii soo istaagaya oo xumaanfalayaasha iga celinaya?
17 Rabbigu haddaanu i caawin, Hadda naftaydu waxay joogi lahayd meesha aamusnaanta.
SABUURRADII 94 in Kitaabka Quduuska Ah